Kuuriyada Waqooyi oo wada-hadallo qadka kula yeelaneysa Kuuriyada Koofureed

0
Wednesday January 03, 2018 - 12:14:10 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo wada-hadallo qadka kula yeelaneysa Kuuriyada Koofureed

    Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in wada-hadallo dhanka qadka ah ay dib ula bilaabi doonto Kuuriyada Koofureed, si loogu gogol-xaaro wada-hadallada ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb gasho cayaaraha xilliga qaboobaha ee Olympics-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in wada-hadallo dhanka qadka ah ay dib ula bilaabi doonto Kuuriyada Koofureed, si loogu gogol-xaaro wada-hadallada ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb gasho cayaaraha xilliga qaboobaha ee Olympics-ka.

Xiriirka labada dhinac ayaa dib u bilaabmi doona maanta saacadda waqtiga dalalkaasi marka ay tahay 15:30 (06:30 GMT), sida ay shaacisay wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii madaxweyne Kim Jong-un uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-xaajood la galo xukuumadda Seoul uuna koox u diro cayaaraha.

 

Labada dal ayaanan wada-hadallo heer sare ah yeelan tan iyo bishii December 2015.

Sanadkii xigay, Kuuriyada Waqooyi ayaa jartay xiriirka, iyadoo diidday inay ka jawaabto wicitaannada, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan Kuuriyada Koofureed.

Sarkaal ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in wada-hadallada dhanka qadka ay dib u furmi doonaan Talaadada, iyadoo telefishinka laga daawan doono.

Wuxuu sheegay in labada dal ay ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira in Kuuriyada Waqooyi ay wafdi u dirto cayaaraha xilliga qaboobaha ee Olympics-ka ee bisha February ka dhici doona Pyeongchang, Kuuriyada Koofureed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip