Shabaab oo sheegtay in ay ka dambeeyeen dilkii Cali Nuur Shuute

0
Wednesday January 03, 2018 - 11:55:16 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo sheegtay in ay ka dambeeyeen dilkii Cali Nuur Shuute

    Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkii loo gaystay Cali Nuur Shuure oo ah Aabaha dhalay Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkii loo gaystay Cali Nuur Shuure oo ah Aabaha dhalay Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq Boocle, waxaana la sheegayaa in raggii dilay ay baxsadeen.

Xoogaga Shabaab ayaa Idaacada Andalus waxa ay ka sheegteen masuuliyadda dilkaasi, waxaana ay tilmaameen in rag ka tirsan amniyaadkooda ay fuliyeen dilkaasi.

 

Shabaab ayaa tilmaamay raggii dilka gaystay inay meesha ka baxsadeen, maadaama ay fuliyeen hawshii ay u tageen halkaasi.

Maydka Marxuum Cali Nuur Shuute ayaa xalay waxaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado maanta in aas loo sameeyo.

Gudoomiye Shuute, ayaa Isniintii bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip