Xoogaga Shabaab oo toogtay Shan ruux oo jaajuusiin ku eedeeyeen

0
Wednesday January 03, 2018 - 11:36:11 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo toogtay Shan ruux oo jaajuusiin ku eedeeyeen

    Urrurka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo deegaanka Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis sida Shabaabka ay sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urrurka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo deegaanka Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay ku toogteen Shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis sida Shabaabka ay sheegeen.

Inta badan xukunada Shabaab ay ridaan waa hal dhinac oo dadka ay xukumaan malahan qareen u dooda oo ka difaaca eedeymaha kala duwan ee Shabaab ay u soo jeediyaan.

Al Shabaab ayaa shalay gabal dhicii isugu yeeray dadka deegaanka oo u soo daawasho tagay fagaaraha lagu tooganaayay Shantaasi ruux ee Shabaab ay toogteen.

Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan.

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip