Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Somaliyed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dib-u-heshiisiinta, hanti-isucelinta iyo arrimaha cadaaladda & gar-soorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

"Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Gobolka Benaadir oo dhacaya 7-da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybgalaan, doorka uga aadanna ka qaataan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhiimka u ah horumarka Gobolka