Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa warbixinta Sanad laha ku soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay ka go’an tahay dardar gelin-ta dadaalada lagu nabadeynayo Soomaaliya iyo in ay xoojin doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen soo afjarida khatarta Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan in ka badan 20,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ku garabsiiya Ciidamada Dowladda dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab