DHAGEYSO: Galmudug oo amar culus kusoo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha

0
Tuesday January 02, 2018 - 22:07:21 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Galmudug oo amar culus kusoo rogtay Shirkadaha Diyaaradaha

    Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in diyaaradaha Qaadka aysan kasoo degikarin degaanada maamulka Galmudug hadii aysan bixin waxyaabaha laga rabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in diyaaradaha Qaadka aysan kasoo degikarin degaanada maamulka Galmudug hadii aysan bixin waxyaabaha laga rabo.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa Warbaahinta u sheegay in ganacsatada Qaadka lagu Amray in aysan ka soo degi Karin Garoomada Diyaadaraha Galmudug,iyaga oo aan ogolaansho ka heysan Maamulka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Ganacsato badan oo aan ogolaansho ka heysan Galmudug , kuwaasoo si Sharci daro ah ku shaqeysta.

Wasiirka ayaa xusay in Ganacsatada Qaadka kiiladiiba laga doonayo in ay bixiyaan lacag Canshuur ah oo gaareysa ila $2.5 oo dollar islamarkaana mudo 7 Maalin gudahood ah iskusoo diiwaan geliyaan.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu habeynaayo Canshuuraha maamulka Galmudug.

Audio Player
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip