Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

0
Tuesday January 02, 2018 - 20:36:44 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

    Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele waxaa maanta tagay Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ahna Caasimada Maamulka Hirshabeele waxaa maanta tagay Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Sababta ay u tageen Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ay latashiyo ku saabsan Doorashada Soomaaliya 2020 ay kula sameynayaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Jowhar, iyagoo hore u soo booqday Gobalada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale XubnahanGuddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa dhageysanaya aragtidaBulshada qeybaheeda kala duwan iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin kar

Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo cod oo markii ugu horeysay la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doorashooyinka ka dalbaday in lasoo daraaseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoogan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho iyo Gobalada dalka ka wada wada tashiyo arintaasi ku saabsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip