Gantaal lagu weeraray gaari marayay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose

0
Tuesday January 02, 2018 - 20:31:50 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gantaal lagu weeraray gaari marayay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose

    Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn loo geystey gaari marayay deegaan ku dhow degmada Ow-Dheegle ee gobolka Sh/hoose. Duqeyntan oo dhacday duhurnimadii maanta ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn loo geystey gaari marayay deegaan ku dhow degmada Ow-Dheegle ee gobolka Sh/hoose. Duqeyntan oo dhacday duhurnimadii maanta ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la sheegin noociisa kaasoo marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo qiyaastii 3km u jirta Ow-Dheegle.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gaariga ayaa waxaa saarnaa illaa lix ruux waxaana labo gantaal oo lagu ridey mid ka mid ah uu ku dhacay gaariga.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay ku dhinteen duqeynta.

Lama oga duqeyntan cidda ka dambeysay, hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaa hore u sheegtay inay kordhinayso duqeynta ay ka geysanayo dalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip