Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in madaxweyne Farmaajo tegayo Puntland isla markaana ay u magacaabeen guddi ka qeyb qaata sidii loo soo dhoweyn lahaa Madaxweynaha.

Munaasabada 4 sano guurada ee ka soo wareegatay markii la doortay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Mudada uu joogo Madaxweyne Farmaajo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu booqanayaa magaalada dekeda ah ee Boosaaso, isagoo kala hadli doona ganacsatada iyo maamulka Puntland sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira dekeda Boosaaso.