Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar (SAWIRRO)

0
Tuesday January 02, 2018 - 20:15:43 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar (SAWIRRO)

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa waxa uu maanta kormeer ku tagey Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo ay kormeerkan ku wehlinayeen saraakiil ciidan. Taliyaha iyo xubnihii uu horkacayay, ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa waxa uu maanta kormeer ku tagey Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo ay kormeerkan ku wehlinayeen saraakiil ciidan. Taliyaha iyo xubnihii uu horkacayay, ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa soo arkay warshadda soo saarta qalab xafiseedka, dharka Ciidanka Asluubta iyo kan maxaabiista, agabka dhismaha iyo qalabka guryaha. Warshadan waxaa ka shaqeeya maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe, ujeedkuna waxaa weeye in lagu baro xirfad ay ku shaqaysan karaan, marka ay xabsiga ka baxaan

Geba-gabadii kormeerkan, ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo ka warbixiyay kormeerkoodan.

General Xuseen Xasan Cismaan, Taliyaha Ciidanka Asluubta, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay soo tusiyeen hawlaha shaqo ee ka socda Xabsiga Dhexe, isla-markaana uu bogaadiyay.

General C/weli Jaamac Xuseen, Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa isna sheegay in uu Xabsiga Dhexe ee Xamar ku soo arkay wax aad u wanaagsan, isla-markaana uu ku faraxsan yahay hawsha quruxda badan ee ka socota Xabsiga Dhexe, waxaana uu sheegay inuu bogaadinayo.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip