Nin booliiska Maraykanka ku shirqoolay in ay dilaan nin ay is qabteen

0
Tuesday January 02, 2018 - 20:08:14 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin booliiska Maraykanka ku shirqoolay in ay dilaan nin ay is qabteen

    Booliiska dalka Maraykanka ayaa xiray nin la sheegay in uu taleefoon u diray booliiska, kuna wargaliyay in nin uu soo weeraray gurigooda, dilay aabihiis, islamarkaasna afduub ku qabsaday qoyska intooda kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska dalka Maraykanka ayaa xiray nin la sheegay in uu taleefoon u diray booliiska, kuna wargaliyay in nin uu soo weeraray gurigooda, dilay aabihiis, islamarkaasna afduub ku qabsaday qoyska intooda kale.

Markii ay booliska yimaadeen ayay toogasho ku dileen ninkii loo sheegay oo lagu magacaabo Andrew Finch oo ku sugnaa guri ku yaala magaalada Wichita ee gobolka Kansas.

Labada nin ayaa la sheegay in ay dheelayeen ciyaar xagga qadka ah oo lagu magacaabo Call of Duty, taas oo ay ku murmeen, kadibna mid ka mid ah uu kii kale shirqool u dhigay, booliiskana ugu wacay

Caadi ahaan marka booliiska Maraykanka loogu woco qof hubeysan oo dil geystay ama dad afduub ku haysta, ayay kana jawaabaan si degdeg ah, talaabo adagna ka qaadaan qofkaas. Iyagoo u diyaar garooba isku dhac hubaysan, iyagana gacanta ku hormaraan.

Cod laga duubay wicitaankii uu sameeyay ninka oo booliiska soo bandhigeen ayaa muujinaya xaalad halis ah oo uu nin ka sheekeynayo in uu diley aabihiis, islamarkaasna qoyska intooda kale afduub u qabsaday.

Booliiska ayaa sheegay in ay xireen Tyler Barriss oo lagu tuhunsanyahay in uu yahay qofka wicitaanka sameeyay, booliiskana ku hagay guriga Finch.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip