Sadiiq Warfaa:-"Ma Aqbali Doono In Taako Kamid ah Dhulkeena Ay Kenya Qaadato",+Dhageyso

0
Tuesday January 02, 2018 - 13:20:43 in Wararka by
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadiiq Warfaa:-"Ma Aqbali Doono In Taako Kamid ah Dhulkeena Ay Kenya Qaadato",+Dhageyso

    Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ahaa wafdi ka socday dowladda Soomaliya oo gaaray gobolka gedo ayaa u sheegay Simba in ay tageen halka lagu muransan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ahaa wafdi ka socday dowladda Soomaliya oo gaaray gobolka gedo ayaa u sheegay Simba in ay tageen halka lagu muransan yahay.

Waxa uu sheegay in ay la socdeen khuburo ku xeel dheer arimaha xuduudaha wuxuuna carabka ku adkeeyay inay difaaci doonaan taako kamid ah dalka oo aysan Kenya ku fiirsan doonin dhul balaarsiga ay wadaan .

Waxa uu sidoo kale sheegay Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa in ay la kulmeen bulshada Degmooyinka Doolow iyo balad-xaawo islamarkaana ay kala hadleen arrimihii ugu dambeeyay ee dhacay, iyo isku daygii ay sameyeen Ciidamadda Dowladda Kenya ee dul balaarsiga.

Guddigga difaaca Golaha Shacabka ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxa ay ku cambaareyeen dhul boob la sheegay inay ka wadaan ciidamada Dowladda Kenya degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed uu gudiga difaaca soo saaray ayey ku baaqeen in dowlada federalka,maamul goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeesteen ciddii ku soo xadgudubta qaranimada iyo ciida Soomaaliyeed.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip