Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Towfiiq ee Degmadaasi Yaaqshid.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkaasi.

Illaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo uu Maamaulka Degmada Yaaqshid ka soo saaray weerarkaasi.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, mana muuqato qorshe ay wax kaga qabaneyso Dowladda Soomaaliya.