Trump oo Pakistan ku eedeeyay been iyo khayaano

0
Tuesday January 02, 2018 - 12:36:44 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Pakistan ku eedeeyay been iyo khayaano

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

Twitterkiisii u horreeyay ee uu sannadkan cusub soo dhigo ayuu Pakistan ku eedeeyay in uu gabaad siinayo argagixisada.

Pakistan ayaa Twitterkaas si car leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhamaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trumpna uu "ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan”

Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya in uu xanibo in kabadan 250 milyan oo doolar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa in ay dhalisay Pakistan oo u muuqda in uu ku guuldaraystay si wayn wax uga qabashada la dagaalanka argagixisada, sida uu ku warramay wargeyska Ney York Times.

Maraykanka: Waanu ognahay in hogaamiyaha Taliban ka hawl galo Pakistan

Dunida Muslimka oo dibadbaxyo uga jawaabtay go’aankii Trump ee Qudus

"Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin,” ayuu Twitterka ku qoray Trump.

Wuxuu intaas ku sii daray "gabaad ayay siiyaan argagixisada aan Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa” taasina ma sii jiri doonro!”

Twitter waxaa daabacay @realDonaldTrump: The United States has foolishly given Pakistan more than 33 billion dollars in aid over the last 15 years, and they have given us nothing but lies & deceit, thinking of our leaders as fools. They give safe haven to the terrorists we hunt in Afghanistan, with little help. No more!Xuquuqda Sawirka @realDonaldTrump@REALDONALDTRUMP

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Khawaja Asif ayaa telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay "Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump "dheeraadkiisu” wax ahmiyad ah ma laha.

Pakistan waxay si cad Maraykanka ula wadaagtaa macluumaadkaste oo ku saabsan qaabka loo adeegsado deeqda Maraykanka laga helo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip