Xildhibaan Jarmal ah oo loo haysto Islaam nacayb

0
Tuesday January 02, 2018 - 12:13:17 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jarmal ah oo loo haysto Islaam nacayb

    Siyaasiyad Jarmal ah ayaa wajahaysa baaritaan ay ku hayaan booliiska, ka dib markii ay jeedisay hadal kicin ah intii lagu gudo jiray soo dhawaynta sannadka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyad Jarmal ah ayaa wajahaysa baaritaan ay ku hayaan booliiska, ka dib markii ay jeedisay hadal kicin ah intii lagu gudo jiray soo dhawaynta sannadka cusub.

Beatrix von Storch oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AfD ee siyaasaddiisu midig-fog tahay ayaa Twitterkeeda ku soo qortay Isniintii hadal Islaam nacayb ah.

Booliisa Cologne ayay ku eedaysay in ay qancinayaan "rag axmuqiin ah oo Muslim ah oo kufsi qori caaraddii ah gaysanayaā€¯, iyada oo arrintaas ku soo qortay barteeda Twitterka iyada oo luuqadda Carabiga adeegsanaysa.

Booliiska ayaa ka baaraan dagaya in dacwad lagu soo oogo iyada oo loo haysto nacayb iyo kicin.

Booliiska ayaa fariistaas ku soo qoray Twitterka isaga oo adeegsanaya luuqado dhawr ah oo ay ka mid yihiin Carabi, Ingiriis, Faransiis iyo Jarmal.

Twitterka ayaa xanibay ciwaankii Storch muddo 12 saacadood ah iyaga oo arrintaas kaga jawaabaya qoraalka ay soo dhigtay, bartan ay bulashadu ku xiriirtana waxay sheegtay in ay meel uga dhacday shuruucdii u taalay.

Booliiska Cologne ee dalka Jarmalka ayaa jariidadda Der Spiegel u sheegay in ay baarayaan in xildhibaannadu dambi gashay, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in arrintaasna ay tahay hab caadi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip