Maxkamad ku taal UK oo todobo sano xabsi ku xukuntay muwaadin Somaliyed

0
Tuesday January 02, 2018 - 12:05:29 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taal UK oo todobo sano xabsi ku xukuntay muwaadin Somaliyed

    Maxkamadda Magaalada Swindon ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay 7 sano oo Xabsi ah ku ridday Mahad Xasan oo ah Soomaali 23 jir ah kaas oo ku lug lahaa middiyeynta gabar u dhalatay UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Magaalada Swindon ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay 7 sano oo Xabsi ah ku ridday Mahad Xasan oo ah Soomaali 23 jir ah kaas oo ku lug lahaa middiyeynta gabar u dhalatay UK.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa ku doodayay in uu wiil saaxiib la ah Gabadha ku lahaa £30, oo lacagta Ingiriiska ah,hayeeshee xilliga falka iyada kuma lug lahayn doodda wiilka Soomaaliga ah iyo saaxiibkeed.

Nina Austin, oo 39 jir ah ayaa qalliin looga sameeyay Caloosha waxaana ay isbitaalka ku jirtay dhawr todobaad,waxaa ay sheegtay in markii uu labo jeer middida caloosha kaga dhuftay ay dhulka ku dhacday kaddibna uu ka tagay.

Tom Copeland, oo ah Qareenka u doodaya Mahad ayaa sheegay in uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay,waxaa kale oo uu sheegay in uu Mahad ka soo jeedo Qoys Soomaali ah oo qaxootinimo ku galay Ingiriiska.

Qareenku waxa kale oo uu sheegay in Mahad uusan dambiyo hore uga galin Ingiriiska sidaas darteedna falkan ka dhacay loo baahan yahay in si dhex dhexaadnimo ah loo wajaho.

Eedaha kale ee Mahad loo haysto waxaa ka mid ah in uu ka mid ahaa dadka ka ganacsada Daroogada Cocaine-ka,sida uu sheegay James Scanlon, oo 36 jir ah,kana mid ah Saldhigga Booliska ee Swindon.

Robert Pawson, oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Mahad uu qirtay dhamaan dambiyada lagu eedeeyay ee uu markii hore diiday ,sidaas darteedna Maxkamadda ku xukuntay 7 Sano oo xabsi ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip