QM oo walaac ka muujisay burburin lagu hayo barakacayaasha Muqdisho

0
Tuesday January 02, 2018 - 11:16:46 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo walaac ka muujisay burburin lagu hayo barakacayaasha Muqdisho

    Sarkaal sare oo ka tirsan Saraakiisha QM ee Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13. Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo ka tirsan Saraakiisha QM ee Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13. Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in 23 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 4,000 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa

"Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah, qaar ka mid ah dadkan barakacayaasha ah waxa ay ka yimaadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayuu yiri Peter.

 

Wuxuu kaloo sheegey inaan la siin barakacayaasha muddo ku filan oo ay agabkooda uga qaataan goobihii ay degenaayeen ka hor intii aysan bur burin guryihii ay dadkaasi ku noolaayeen, waxaana hadda bannaanka fadhiya caruur, dumar iyo dad waayeel ah oo xeryahaas ku noolaa.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada oo dhan in ay ilaaliyaan oo ay caawiyaan dhammaan dadka rayidka ah ee ka cararaya iska horimaadka iyo abaarta, kuwaas oo horey u soo gaarsiiyey wax badan, isaga oo intaas ku daray in hay’adaha bani’aadamnimadu ay diyaar u yihiin in ay iskaashi la yeeshaan ayna taageeraan mas’uuliyiinta arrintan.



Sarkaalka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha bani’aadamnimadu ay u ololeynayaan ilaha dhaqaalaha si ay u siiyaan gargaar nafo-badbaadin ah dadka ay dhibaatadu saameysey marka lagu daro in ay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta si loo hubiyo xalka dadka cusub ee soo barokacay.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa hadda ku barokacsan Soomaaliya guud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taasoo ka dhigan saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip