WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA JANNAAYO 2018-KA

0
Tuesday January 02, 2018 - 10:21:11 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA JANNAAYO 2018-KA

    FAAH FAAHIN: QARAX KA DHACAY SH/HOOSE Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Jidgal ah oo kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose. Kolanyada qaraxa lala beegsaday waxey ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAAH FAAHIN: QARAX KA DHACAY SH/HOOSE Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Jidgal ah oo kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose. Kolanyada qaraxa lala beegsaday waxey ku socdaalayeen wadada isku xirta degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer, iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalkaasi.

 

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaan waxa ay sheegeen Miinada in ay haleeshay mid ka mid ah Gawarida Gaashaaman ee ay wateen Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Shabaabka waxa ay sheegeen inuu burburay Gaarigii Qaraxa lala eegtay, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamii la socday gaariga.

Weli Saraakiisha Ciidamada AMISOM faah faahin rasmi ah kama aysan bixin Qaraxan lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose, ee khasaaraha lagu gaarsiiyay mid ka mid ah Gawaaridooda iyo qaar ka tirsan Ciidamadooda.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.

 

BAARLAMAANKA SOMALIYA OO SI KULUL UGA HADLAY XADGUDUBKA KENYA EE MAGAALADA BALADXAAWO.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa soo saaray War Saxaafadeed ku saabsan Xaalada Magaalada baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Baladxaawo ayaa maalmahanba waxaa ka jirtay Xiisad udhexeysay Ciidamada Kenya oo Xadka ka soo tilaabay iyo dadka shacabka ah oo diidanaa dhismaha gidaar kala qeybiyay Magaalooyinka Baladxaawo iyo Madheera.

Dadka deegaanka iyo Maamulka Jubaland ayaa Dowladda dhexe ka codsaday iney soo fara galiyaan Xiisadan, waxeyna sheegayeen iney arintu tahay mid la doonayo in lagu qaato dhul Somaliyed.

Kulan aan Caadi eheyn oo Guddiga difaaca ee Baarlamaanka isugu yimaadeen Axadii, kana dhacay Villa Hargeysa ayaa lagu falanqeeyay Xaalada ka jirta Baladxaawo iyo Mowqifka Golaha Shacabka ka taagantahay arintan.

Guddiga Difaaca oo soo saaray bayaan ka kooban 5 Qodob ayaa ku sheegay inuu jiro xiriir udhexeeya soo gelitaanka Milatariga Kenya ee Baladxaawo oo ay gidaar ka dhisayaan iyo muranka bada ee udhexeeya Somaliya iyo Kenya.

Guddiga dfaaca ayaa Muujiyay walaaca ay ka qabaan dhul boobka horta leh, Barakicinta Shacabka Somaliyed iyo cabsi gelinta Joogtada ah.

Guddiga ayaa Madaxda Qaranka, kuwa Maamul Gooleedyada iyo Shacabka Somaliyedba ugu baaqay iney meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ku soo xad gudubto Qranimada iyo Ciida Soamliyed.

TURKIGA OO SOMALIYA KU WAREEJIYAY QALAB LAGU SOO SAARO MARAAKIIBTA DEKEDA DHEX FADHISA.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay daah furay qalab casri ah oo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira.

Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.

Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Oran ayaa sheegay iney bilaabi doonaan nidaamka caro saarka ee Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilshalayy in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in shalay ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho.

Qalabkaan casriga ah ee shalay la daah furay ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Badda Soomaaliya.

WASIIR YARIISOW OO SHAACIYAY QORSHAHA XUKUUMADDA EE SANADKA 2018KA

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Turkiga oo Xukuumadda Soomaaliya ku wareejiyay Qalab Casri ah

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

5-1024x683 Dhanka kale,Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.

"Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, isdhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” Ayuu yiri Wasiir Yariisow…..

BOGGA CAYAARAHA

LIVERPOOL OO XIDIGA BADALKA U NOQON DOONA PHILIPPE COUTINHO KA HESHAY EPLKA

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha Ingiriiska ayaa sheegaya in Liverpool ay durba ka heshay badalka Philippe Coutinho kaas oo la filayo inuu u guuro garoonka Camp Nou inta lagu jiro bisha January ee dhawaan bilaaban doonta.

Shirkadda NIKE ee heshiiska kula jirta Barcelona ayaa barteeda rasmiga ah kusoo qortay in dhawaan la iibsan karto maaliyadda mucjisada reer Brazil, balse wey ka saareen kadib markii ay xanaf yeelatay.

Si kastaba Klopp durba wuxuu eegtay xidiga reer Argentina ee Manuel Lanzini kaas oo ku qiimeysan aduun dhan 40 Malyan oo Pound.

The Sun ayaa baahisay in macalinka reer Jarmal uu la dhacay hanaan ciyaareedka xidiga West Ham isla markaana uu u dhaqaaqi doono hadii xidiga reer Brazil uu albaabka Anfield ka baxo.

"DIIDA AMA YEELA, ANAA IDIN KUGU LAACIBSAN.”. IBRAHIMOVIC OO WEERARAY SAXAAFADA DALKIISA SWEDEN

Zlatan Ibrahimovic ayaa ka jawaabay dhaleeceymaha ay u soo jedinayaan saxaafada dalkiisa hooyo kuwaa oo weli libintiisa u qirsaneyn.

ib-1024x576 Dhaliyaha Manchester United Ibrahimovic ayaa sheegay inuu weli weerar kala kulmayo saxaafada dalkiisa hooyo iyadoo ay jirto waayihiisa caanka baxay ee ciyaaraha.

Joog dheeraha ayaa aaminsan inay ahayd inuu xushmad badan ku helo wixii uu u sameeyay dalkiisa sida ciyaaryahan heer kooxeed amaba mid heer qaranba.

Ibra oo u waramayay Canal+ gaar ahaan laacibkii hore ee Leeds Oliver Dacourt ayaa yiri:

"Maxay sameeyaan saxaafada Sweden? Miyay i difaacaan mise way i weeraraan?

"Weli way i weeraraan maxaa yeelay waxay diidan yihiin inay aqbalaan inaan ahay Ibrahimovic.

"Laga yaabee inaan ahay laacibkii ugu fiicnaa taariikhda Sweden, waxaan u sameeyay ma jirto cid sameysay.

"Kubbada Dahabka ee Sweden, kii ugu fiicnaa wuxuu ku guuleystay labo jeer. Aniga imisaan heystaa? Waxaan heystaa kow iyo toban.

"marna horey uma dhicin waxaan u sameeyay kubbada cagta Sweden.

Dacourt ayaa ibra waydiiyay in fal celintaasi xun ay dhalisay inuu isagu yahay qof aad u kibiri badan.

Zlatan ayaa ku jawaabay: "Wax micno ah malahan midaa, waxaan ahay kan ugu fiican ee halkaa jooga.

"Miyaad ku faraxsan tihiin mise kuma faraxsanidiin, miyaad ka mahad naqeysaan waxaad heysataan.”.

SHAX LAGA SAMEEYEY KOOXDA UGU WACAN XILLI CIYAAREEDKAN ILAA IYO HAATAN

Ciyaaryahaada Harry Kane, Kylian Mbappe iyo Kevin de Bruyne ayaaa hogaaminaya shaxda ay shabakadda Goal.com ka sameeyey ciyaaryahanaddii ugu saameynta badnaa kal ciyaareedkan ilaa iyo marxaladda uu haatan taagan yahay.

Dhammaan waxaa la galay qeybihii dambe ee shanta horyaalka ee ugu xiisaha badan Europe halka wareegga 16ka Champions Leaguega loogu gudbay.

Xiddigaha ka soo muuqda shaxdan waxaa ka imada Maxamed Saalax oo isna wacdaro ka dhigaya Premier Leagueka tan iyo markii uu Liverpool uga soo biiray Liverpool.

IN UU DHALIYO GOOLKIISII 100AAD EE CHAMPIONS LEAGUE, IN UU CHELSEA GOOL KA DHALIYO & 7 RIKOOR OO LIONEL MESSI ISHA KU HAYSO SANADKA 2018

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa qaatay sanad fiican oo 2017 ah waxana uu haatan isha ku hayaa in uu sanadka cusub ee 2018.

Websiteka Rasmiga ah ee kooxda Barcelona ayaa soo bandhigay 7 rikoor oo uu Lionel Messi isha ku hayo sanadka 2018 kaas oo uu doonayo in uu dhigo ama dhigo.

1.In uu gaaro goolkiisii 100aad ee champions leageu:Lionel Messi ayaa ilaa haatan leh 97 gool tartanka champuons league waxana uu u baahan yahay 3 gool si uu u gaaro goolkiisii 100aad ee champions league.

2.Ku guulaysiga champions leaguegiisii 5aad: 30 jirka reer Argentine ayaa kooxda Barcelona kula soo guulaystay 4 champions league waxana uu doonayaa in uu ku guulaysto goolkiisii 5aad ee tartanka ugu qiimaha badan yurub.

3.In uu BarBareeyo goolaha ugu badan ee horyaalka La Liga:kabtan ku xigeenka Barcelona ayaa gaaray 301 guul 399 kulan oo uu ciyaaray La Liga waxana uu 33 guulood ka dambeeyaa xiddiga ugu guulaha badan La Liga ee Iker Casillas kaas oo gaaray 344 guulood.

4.ku guulaysiga abaalmarinta Pichichi iyo kabta dahabka ah: Xiddiga No.10 ayaa labada abaalmarinoodba ku guulaystay min jeer waxana uu haatan ku sii jeedaa ku guulaysiga abaalmarinta Pichichi maadama uu ilaa haatan 15 gool dhaliyay horyaalka.

5.In uu Ka Dhaliyo kooxda chelsea: Xiddiga Lionel Messi ayaa ka hor tagay kooxda chelsea laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu wax gool ah ka dhaliyo waxana uu wareega 16ka la ciyaari doonaa chelsea waxana uu isha ku hayaa in uu ka dhaliyo.

6.In uu noqdo gool dhaliyaha ugu goolasha badan taariikhda horyaalada 5ta ah: Lionel Messi ayaa kaliya 3 gool ka xigaan in uu barbareeyo rikoorkii Jimmy Greaves kaas oo dhaliyay 366 gool isaga oo Lionel Messi ka horeeya 2 gool oo kaliya maadama uu Messi leeyahay 364.

7.In uu ka dhaliyo kooxda Girona: Kooxda ay jaarka yihiin Barcelona ee Girona ayaa sidoo kale ah koox uuna Messi wali gool ka dhalin maadama ay markii ugu horaysay ciyaareen horyaalka La Liga.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE JANUARY 1

Brighton & Hove Albion 2 - 2 AFC Bournemouth

Burnley 1 - 2 Liverpool

Leicester City 3 - 0 Huddersfield Town

Stoke City 0 - 1 Newcastle United

Everton 0 - 1 Manchester United

ENGLAND - PREMIER LEAGUE JANUARY 2

22:45Southampton ? - ? Crystal Palace

22:45Swansea City ? - ? Tottenham Hotspur

22:45West Ham United ? - ? West Bromwich Albion

23:00Manchester City ? - ? Watford

JONGUN "KEEBKA LAGA RIDO NIYUKLIYERKA WAXA UU MARWALBA SAARAN YAHAY MIISKEYGA”

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jongun ayaa sheegay in in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka.

Kim oo taleefishinka dalkiisa ka jeediyay qudbad ku aadan sanadka cusub ee 2018 ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay in uu diyaar uyahay in uu wadahadal lagalo Koofurta Kuuriya.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

CIIDAMADA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO LOO FURAY TABABAR KU SAABSAN KA HORTAGA QARAXYADDA

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano "Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee AlShabaab.

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Alshabaab ay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi,ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in AlShabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs),islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHALAY SAXIIXAYO MIISAANIYADDA DOWLADDA SANADKA 2018KA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa shalay lagu wadaa in uu saxiixo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018ka.

Miisaaniyadda Dowladda 2018ka waxaa dhawaan ansixiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadibne waxa cod ku aqbalay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaliya.

Dhanka kale Golaha aqalka sare oo daraad kulan ku yeeshay magaaladda muqdisho waxa ay anixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018ka,waxayna ogolaadeen in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo kulankii daraad shir gudoominayay ayaa sheegay in warqadda Miisaaniyadda uu isaga Shalay u geynayo Madaxweynaha Soomaliya si uu ansixiyo.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyane waxa uu sheegay in howlo kala duwan lagu qabanayo lacagtaasi.

AKHRISO:137 QOF OO SOOMAALI AH OO SANADKII TAGAY 2017KII LAGU DILAY KOONFUR AFRIKA

Warbixin ay Soo saartay mid kamid ah jaaliyadaha Soomaalida South Africa ayaa lagu sheegay in wali ay taagantahay dhibaatadii joogtada aheyd ee lagu bartilmaameedsanayay Soomaalida South Africa, waxay xaqiijiyeen tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay dalka South Afrika iyo qiyaasta qiimaha hantida ah ee lagubay amaba la boobay sanadka 2017ka.

Save Somali Commnunity oo ah jaaliyadda soo saartay warbixintaasi ayaa sheegtay in sanadka 2017 lagu dilay dalka South Afrika dad Soomaali ah oo tira ahaan kor u dhaafaya 137 qof oo intooda badan lagu dilay iyagoo ku sugan goobahooda ganacsiga, halka qaarka kale ay u adeegayeen dukaamadooda.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay gobalada lagu kala dilay dadkaasi, iyadoo gobalka Western Cape ee magaala madaxdiisu tahay Cape Town lagu dilay sanadkan dadka ugu badan oo tira ahaan lagu sheegay 53 qof, halka deegaanada hoosyimaada Johannesburg iyo guud ahaanba gobalka Gauteng lagu dilay 42, sidoo kale gobalada Limpopo iyo Eastern ayaa isku darkoodu waxaa lagu dilay dad tira ahaan lagu sheegay 36. Warbixinta ayaa intaasi raaciyay iney jiraan 74 qof oo Soomaali ah oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, halka hanti aad u badan oo gaadiid iyo dukaamaba leh la gubay qaarna la dhacay.

Guddoomiyaha Save Somali Community Cabdi Calas Guure oo aan arrinkaasi si gaar ah uga wareysanay ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin tirada saxda ah ee dadka lagu dilay gobalka KwazuluNatal, balse ay ku mashquulsanyihiin sidii ay ku hali lahaayeen xogta arrintaasi ku aadan.

Soomaalida South Afrika ayaa ah dhibanayaal si joogta ah loogu dilo dalka South Afrika, mana jirto cid muuqaata oo ku howlan wax ka qabashada dilka iyo dhaca loogeysto Soomaalida South Africa, marka laga reebo dowladda dalka South Afrika oo mararka qaar isku dayda iney sameeyso barnaamijyo wacyi galin ah, iyadoo ciidamada policeku ay har iyo habeenba u taaganyihiin sugidda amaanka guud ee dalka South Afrika.

WASIIR JUXA OO GAARAY DOOLOW KUNA WAJAHAY BALAD XAAWO

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaano iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa shalay gaaray Magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo shacabka.

Wafdiga ayaa Warbixin ka dhageystay Maamulka degmada Doolow oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socota waxaa lagu wadaa inay sidoo kale tagaan magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galaya muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan Darbi, waxayna kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo shacabka.

Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu daraad ku yeeshay Magaaladda Muqdisho waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay ,waxaana Gudiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi.

DAB KA KACAY DEGMADA WADAJIR

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegayaan in guryo ku yaalla halkaasi uu dab ka kacay.

Dabka ayaa waxa ay la sheegay in uu ka kacay guryo ay degan yihiin dad Shacab ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dabkaasi waxaa ku burburay Saddex guri.

Dabdamiska oo goobta gaaray ayaa Wadda dadaallo lagu daminaayo dabkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa dabka sababay waxaana wararka ay sheegayaan in ay sababtay Koronto.

XILDHIBAAN XASAN MACALIN: WAXAAD MOODAA IN HOGGAANKII AYBA KU ADKAATAY GACAN KU HEYNTA

Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ay go’aamiyeen eedeynta Xeerilaaliyaha in ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

"Go’aankii daraad ee guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ay gaareen runtii waxaa uu ahaa baarlamaanka waxaa uu leeyahay nidaam sharci iyo qaab uu ku galo ayaa jirta, maalintii la keenay illaa iyo hadda waxay ka baaraan degayeen qaabkii ay u eegi lahaayeen oo ay u fiirin lahaayeen . Go’aankan waxaa waaye eedeyntii meeshaas tiilay wax aan ka qaadano oo meel la tagno wax aan meel geysanno ma heysanno, guud ahaan waxaa loo arkaa inay iska aheyd eedeyn siyaasadeed oo sal iyo raad toona aan laheyn”.

Xildhibaan Xasan Macallin waxaa uu sidoo kale ka Hadley in ay dhammaatay xilligii xabadda oo la aadayo jidka siyaasadda"Waxaan u maleynaa go’aankaan hadda guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu soo saaray inuu wadadii saxda aheyd uu lugta u saari doono, arimahaana meelihii ay lahaayeen waa siyaasadeed, siyaasad la aadi doono oo aysan jiri doonin wax la yiraahdo xabad xarig iyo xoog isku sheegasho inaysan jiri doonin ee la aadi doono jidkii siyaasadda”

Xildhibaan Xasan waxaa uu soo qaatay in mas’uuliyad ka saaran tahay matalaadda shacabka”Annagu waxaan nahnahy siyaasiyiin, waxaan dadka u qaabilsannahay siyaadda dalka, oo waan ku matalnaa marka in nidaamkii aan naqaanay habdhaqankii siyaasadeed in lagu soo noqdo ayuu baarlamaanka ku guuleystay inuu meesheedii u soo celiso.”

Ugu Dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Xasan Macalin ka hadlay dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka ka dhacaya "Runtii maalintaa 17 December iyo habeenkeedii wixii dhacay ayuu waddanka weli ladaalaa dhacayaa, ayaa ugu dambeysay oo Senatar kale gurigiisa loogu galay, manaqaano xaaladda dalka waxaa uu ku socdo mugdi badan iyo welwal badan ayaa jira, waxaad moodaa mararka qaarkiis in siyaasaddii iyo hogaankii ayba ku adkaatay inay gacanta ku hayaan arimihii dalka”.

WASIIR FARATOON OO KA HADLAY FARAQA U DHEXEEYA WASAARDIISII HORE & WASARADA

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyana ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka Wasiirnimo ee labadan Wasaaradood, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu labada xilba qabto, balse Waxbarashada uu khibrad u leeyahay.

Wasiirka Waxbarashada Prof:Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa baaq u diray guud ahaan Ardayda iyo Dhalinyarada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi "Wasaaraddii Arrimaha Guddaha, ee aan hore u joogay, iyo Wasaaradda Waxbarashada oo aan hadda jooga, farqi aad u weyn baa u dhexeya, inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ahayd Wasaarad aan Wasiir ka soo noqday, oo runtii aan ka mahad sheeganayo, Shaqaalihii iyo Masuuliyiintii kala duwanaa ee aan la soo shaqeeyey, iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland oo si fiican noo garab taagnaa, haddana Wasaaradda Waxbarashadu inuu Madaxweynuhu ii magacaabo aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, Wasaaraddana waa fiilkaygii, khibradna waan u leeyahay, inkasta oo xaalado iyo duruufo badani waxbarashada ku xeeran yihiin, haddana wixi khibradayda iyo waayoaragnimadayda ah waxba kala hadhi maayo, xaalad walba oo adagna waanu ka saari doonaa, Waxbarashaduna waa waxyaabaha ugu baahida badan ee Wadankeenu u baahan yahay, wax kasta oo suurtagal ah ee aynu ka qaban karana waanu ka qaban doonaa”.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale guud ahaan fariin dhiirigelin iyo waano ah u diray guud ahaan Ardayda Somaliland oo uu ugu baaqay inay dadaal xoogan oo dhinaca Waxbarashada ah muujiyaan, waxa kale o uu talo u soo jeediyey Waalidka iyo Macalimiinta, oo uu kula taliyey inay mar walba ka war hayaan Ubadkooda iyo Ardaydaba.

SANNADKII BEENTA 2017KA HA NAGA DHAMAADO!!!..

Waxaan ka soo Jarmaaday xaafadda MadiinoMogadishu,2: am

A) Waxaan imid Hotel Maka AlMukarama, waxaa i soo ag fadhiistay nin aan waji garanayo, wuxuu igu yiri: Ma maqashay in Guriga Senator: Cabdi qaybdiid la galay? Waxaan ku iri : Radio Kulmiyaan ka maqlay. Wuxuu igu yiri: Ma taqaan sababta loo galay: waxaan ku iri: maya.

Wuxuu igu yiri: waxaa lagu tuhmay in gurigiisa la geeyay 3Diidiin oo dayaarad looga keenay Puntland, nuuca qaaliga ah 3X 200.000$ ( fiiri sawirka 1aad) dad ayaa rabay inay ka soo bililqeeystaan,ciidama Ajnabiya ayaana ku qaldamay. Waxaa la igu bilaabay.( Beentii 1aad)

B) Waan ka soo tagay waxaan imid Mogadishu Mall –Xamar weyne, Saaxiibkey ayaa igu yiri: waxaan maqlay in xalay Gurigaaga ciidamo soo galeen. Waxaan ku iri: Shartaada ka coodi billah.wuxuu yiri: weliba waxaan maqlay in ciidama ka socda Yugoslavia ay kugu soo qaldameen. Bisinka waxaan ku iri: Ciidama Talyaani ah oo baabuur dagaal oo qafilan wata Xamar waan ku arkay, laakin kuwa aad sheegee ma arag, Wuxuu yiri: Baladku waa buuxaa ciidama aan la aqoon cid ay ka amar qaataan ayaa jooga iska jir (Beentii 2aad).

C) Kuleyl ayaa uga tagay, waxaan neecaaw u doontay xeebta Liido Hotel ku yaal, Waxaa i soo ag fadhiistay oday,igu yiri: Halkaan ayaan ku sugayay Xildhibaan aan la balansanaa. Waxaan dalbaday Shaah Masalla Tea. Odaygii oo magaca shaahu ku cusubaa ayaa shaahigeygii fartiisa galiyay,kadibna fartii ayuu ka dhuuqay,isaga oo leh waa macaan yahay,wiilkii shaqaalaha ayuu u yeeray kuna yiri: kan camal ii keen. (Fiiri Sawirada 2,3,4,&5aad).

Shaahiga oo qaali ahaa iskama daadi karo,waan iska cabay.odaygii ayaa igu yiri: Magaaladu waa wada BAJAAJ. Waxaan ku iri : Anaaba soo raacay. Wuxuu yiri: Maya,Siyaasadeeda ayaa wada Bajaaj ah, ee Bajaaj Gadaal gadaal u aqri: Jajab aaaa. Iga tag (Beentii 3aad)

IMG_92825B-1A52A4-A0FA8C-2031F1-ACC68A-D476C1 D) Waxaan goostay in aan isga tago Baararka Jeeb weynta & Siyaasiyiinta, waxaan aaday Biibitada Bushka ah ee ay Faay oo aan wada fadhiisan jirnay aniga iyo willal yar yar oo caseeyayaal ah. Waa kuwa kaliya oo runta ka sheegaya nolasha magaalada ,waxayna ka mid yihiin saaxiibadeyda dan yarta ah.( Fiiri sawirada 6&7aad)

E) Si aan cidda ugu soo adeegto waxaan aaday suuqa qudaarta ee jeeb weynta,laakin markii la igu yiri: wax kasta waa Dollar. Waxaan 6 xabbo oo liin iyo isbaandheys ah ka sii gatay suuqa jeeb yarta oo weli shillin Soomaaliga wax lagu gato.( Fiiri Sawirada 8,9.10 &11aad)

Gunaanad .

Galabtii guriga ayaan u soo noqday aniga oo daalan oo leh : Hanaga dhamaado sonnadkii Beentu. Wixii aan sheegnay & wixii been ah ee naloo sheegay Alla hanaga cafiyo.

Waxaan qaatay 2xabbo oo kaniini ah,si aan isaga qaras bixiyo beentii 2017ka.

Xor ayaad u tahay ,wixii aad doonto ku naqdi qoraalkaan.

QORE: YAHYA AMIR

MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO LA HORGEEYAY RAG LOO HEYSTO QARIXII ZOOBE

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Shalay waxa ay dhageystay dacwad loo heysto rag loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxii lagu hoobtay ee 14,kii bishii Octoper Sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Raggaan Shalay dacwada loo hesto la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 kuwaas oo kala ahaa.

1:Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay

2:Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.

4:Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaay Shabaab islamarkaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka howlgasha Muqdisho masuulna ka ahaa labadii Gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha degmada Wadajir.

Dhageysi iyo dood kadib Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’isugu soo laaban doono Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 4/1/2018 dib loofuri doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip