Kim Jong-un "Keebka laga rido Niyukliyerka waxa uu marwalba saaran yahay miiskeyga"

0
Monday January 01, 2018 - 12:20:38 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong-un "Keebka laga rido Niyukliyerka waxa uu marwalba saaran yahay miiskeyga"

    Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegay in in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegay in in keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka.

Kim oo taleefishinka dalkiisa ka jeediyay qudbad ku aadan sanadka cusub ee 2018 ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay in uu diyaar uyahay in uu wadahadal lagalo Koofurta Kuuriya.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip