Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Loo Furay Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Qaraxyadda

0
Monday January 01, 2018 - 12:17:28 in Wararka by
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Loo Furay Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Qaraxyadda

    Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano "Improved Wired Explosive Devices (IEDs)"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya,kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano "Improved Wired Explosive Devices (IEDs)"

Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Al-Shabaab.

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Al-shabaabay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.



Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi,ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs),islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

Qarashka ku baxaya Tababarkaan oo ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeega mashaariicda (UNOPS).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip