Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixayo Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2018-ka

0
Monday January 01, 2018 - 11:58:09 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixayo Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2018-ka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta lagu wadaa in uu saxiixo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta lagu wadaa in uu saxiixo Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka.

Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka waxaa dhawaan ansixiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadibne waxa cod ku aqbalay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaliya.

Dhanka kale Golaha aqalka sare oo shalay kulan ku yeeshay magaaladda muqdisho waxa ay anixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-ka,waxayna ogolaadeen in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo kulankii shalay shir gudoominayay ayaa sheegay in warqadda Miisaaniyadda uu isaga Maanta u geynayo Madaxweynaha Soomaliya si uu ansixiyo.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyane waxa uu sheegay in howlo kala duwan lagu qabanayo lacagtaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip