Sannadkii Beenta 2017-Ka ha naga dhamaado!!!

0
Monday January 01, 2018 - 11:54:57 in Wararka by
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannadkii Beenta 2017-Ka ha naga dhamaado!!!

    Waxaan ka soo Jarmaaday xaafadda Madiino-Mogadishu,2: am A) Waxaan imid Hotel Maka Al-Mukarama, waxaa i soo ag fadhiistay nin aan waji garanayo, wuxuu igu yiri: Ma maqashay in Guriga Senator: Cabdi qaybdiid la galay? Waxaan ku iri : Radio Kulmiyaan k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ka soo Jarmaaday xaafadda Madiino-Mogadishu,2: am A) Waxaan imid Hotel Maka Al-Mukarama, waxaa i soo ag fadhiistay nin aan waji garanayo, wuxuu igu yiri: Ma maqashay in Guriga Senator: Cabdi qaybdiid la galay? Waxaan ku iri : Radio Kulmiyaan ka maqlay. Wuxuu igu yiri: Ma taqaan sababta loo galay: waxaan ku iri: maya.

Wuxuu igu yiri: waxaa lagu tuhmay in gurigiisa la geeyay 3-Diidiin oo dayaarad looga keenay Puntland, nuuca qaaliga ah 3X 200.000$ ( fiiri sawirka 1aad) dad ayaa rabay inay ka soo bililqeeystaan,ciidama Ajnabiya ayaana ku qaldamay. Waxaa la igu bilaabay.( Beentii 1aad)

B) Waan ka soo tagay waxaan imid Mogadishu Mall –Xamar weyne, Saaxiibkey ayaa igu yiri: waxaan maqlay in xalay Gurigaaga ciidamo soo galeen. Waxaan ku iri: Shartaada ka coodi billah.wuxuu yiri: weliba waxaan maqlay in ciidama ka socda Yugoslavia ay kugu soo qaldameen. Bisinka waxaan ku iri: Ciidama Talyaani ah oo baabuur dagaal oo qafilan wata Xamar waan ku arkay, laakin kuwa aad sheegee ma arag, Wuxuu yiri: Baladku waa buuxaa ciidama aan la aqoon cid ay ka amar qaataan ayaa jooga iska jir (Beentii 2aad).

C) Kuleyl ayaa uga tagay, waxaan neecaaw u doontay xeebta Liido Hotel ku yaal, Waxaa i soo ag fadhiistay oday,igu yiri: Halkaan ayaan ku sugayay Xildhibaan aan la balansanaa. Waxaan dalbaday Shaah Masalla Tea. Odaygii oo magaca shaahu ku cusubaa ayaa shaahigeygii fartiisa galiyay,kadibna fartii ayuu ka dhuuqay,isaga oo leh waa macaan yahay,wiilkii shaqaalaha ayuu u yeeray kuna yiri: kan camal ii keen. (Fiiri Sawirada 2,3,4,&5aad).

Shaahiga oo qaali ahaa iskama daadi karo,waan iska cabay.odaygii ayaa igu yiri: Magaaladu waa wada BAJAAJ. Waxaan ku iri : Anaaba soo raacay. Wuxuu yiri: Maya,Siyaasadeeda ayaa wada Bajaaj ah, ee Bajaaj Gadaal gadaal u aqri: Jajab aaaa. Iga tag (Beentii 3aad)

D) Waxaan goostay in aan isga tago Baararka Jeeb weynta & Siyaasiyiinta, waxaan aaday Biibitada Bushka ah ee ay Faay oo aan wada fadhiisan jirnay aniga iyo willal yar yar oo caseeyayaal ah. Waa kuwa kaliya oo runta ka sheegaya nolasha magaalada ,waxayna ka mid yihiin saaxiibadeyda dan yarta ah.( Fiiri sawirada 6&7aad)

E) Si aan cidda ugu soo adeegto waxaan aaday suuqa qudaarta ee jeeb weynta,laakin markii la igu yiri: wax kasta waa Dollar. Waxaan 6 xabbo oo liin iyo isbaandheys ah ka sii gatay suuqa jeeb yarta oo weli shillin Soomaaliga wax lagu gato.( Fiiri Sawirada 8,9.10 &11aad)

Gunaanad .

Galabtii guriga ayaan u soo noqday aniga oo daalan oo leh : Hanaga dhamaado sonnadkii Beentu. Wixii aan sheegnay & wixii been ah ee naloo sheegay Alla hanaga cafiyo.


Waxaan qaatay 2-xabbo oo kaniini ah,si aan isaga qaras bixiyo beentii 2017-ka.

Xor ayaad u tahay ,wixii aad doonto ku naqdi qoraalkaan.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip