Khayre oo hoygiisa ku booqday Qeybdiid (SAWIRRO)

0
Monday January 01, 2018 - 10:40:01 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre oo hoygiisa ku booqday Qeybdiid (SAWIRRO)

    Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedka booqashadiisa la xiriirtay in uu la qeybsado Senetorka dareenka ka dhashay falkii lagu weeraray gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen Ciidamo hubeysan, kadibna gurigiisa ka fuliyay baaritaano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.

Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale kol hore booqasho ugu tegey Senator Qeybdiid soona arkay khasaaraha la gaarsiiyay, waxaana uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid laga xumaado oo aan la aqbali karin.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip