WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 1DA JANNAAYO 2018KA

0
Monday January 01, 2018 - 10:28:00 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 1DA JANNAAYO 2018KA

    KHAYRE OO HOYGIISA KU BOOQDAY QEYBDIID Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooma aliya ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHAYRE OO HOYGIISA KU BOOQDAY QEYBDIID Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooma aliya ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedka booqashadiisa la xiriirtay in uu la qeybsado Senetorka daree nka ka dhashay falkii lagu weeraray gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen Ciidamo hubeysan, kadibna gurigiisa ka fuliyay baaritaano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihi in weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.

Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale kol hore booqasho ugu tegey Senator Qeybdiid soona arkay khasaaraha la gaarsiiyay, waxaana uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay falkaas inuu ahaa mid laga xumaado oo aan la aqbali karin.

SHEEKH CALI WAJIIS”MA AQBALEYNO IN DALKA AY JOOGAAN CIIDAMO U SHAQEEYA DALAL SHISHEEYE”

Sheekh Cali Wajiis ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka mucaaradyada ay dowla dda la kulmeyso iyo sidoo kale dhibaatada mudada dheer ka jirta dalka iyo mooshinka dhowr jeer la sheegay in Xildhibaano ay madaxda ka keeneen.

Sheekh Cali Wajiis ayaa soo hadal qaaday weerarkii Guriga Siyaasi cabdiraxmaan Cabdi Sha kuur,waxa uuna sheegay in dowladda ay u furneyd in weerarkaas wadooyin kale ay u mari kartay iyada oo an sameyn wax weerar ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ay hadaladooda xakameeyaan isla markaana aysan noqon kuwo dalka lagu duminayo balse ay noqdaan mucaarad wax dhisaya.

"Waxaa la rabaa in aan la noqon kuwo wax dumiya,waxanse la yaabanahay kan dhahaya mo oshin ayaan wadaa madalka ayuusan u naxeyn mise dan kale ayuu leeyahay waxan leeyahay hadii kheyre iyo farmaajo la rido yaa noo balan qaadi kara in madaxweynaha imaan doona uu noqon doono mid farmaajo ka fiicn ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in xiligaan aysan suurtal aheyn in dalka ay joogaan ciidamo u Shaqeeya dowladdo shisheeye.

CULUMADA DIINTA OO KA DIGAY IN LA XUSO DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018

Magaalada Muqdisho iyo Gobalada Soomaaliya waxaa ka socda abaabulka xaflado loogu dab aal dagayo dhalashada Sanadka cusub ee 2018 oo ka dhiman sacado kooban.

Sidoo kale Soomaalida ku nool Qurbaha ayaa aad ugu diyaargaroobaya ka qayb galka xaf lado iyo dabaal dagyo ka dhacayo wadamada ay joogaan, qaar ka mid ah Soomaalidaasi waxaa laga fasaxay shaqadii ay haayeen si ay uga qayb galaan Damaashaadka sanadka cusub.

Diyaargarowga iyo dabaal dagyada hor dhaca ah ee socda ayaa waxaa ka digay Culumada diinta waxayna ku tilmaamayn in ay tahay dambi wayn oo laga galayo diinta Islaamka.

Shiikh Maxamuud AwCabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed oo la hadlay Idaa cada Kulmiye ayaa ka digay in shacabka ay ka dhigaan ama ay ka qayb galaan Xafladaha loogu dab aal dagayo sanadka cusub ee 2018

Dabaal dagga Xafladaha sanadka 2018 kaliya maahan mid ka socda Hotelada koobaha Dalxi iska iyo meelo kale, balse waxa uu si weyn uga socdaa Baraha Bulshada ee Internetka waxaana Warbaahinta Bulshada ku soo batay dadka Facebookyada soo dhigaya Sawiro iyo qoraalo ay ku soo dhaweynayaan Sanadka cusub laguna sogootinayo sanadka dhamaaday ee 2017 arintaasi waxaa mar kale ka hadlay Shiikh Maxamuud AwCabdulle Cariif oo sheegay in ay tahay dambi kale oo culus isagoo ku baaqay in laga feejignaado.

Sidoo kale Muqdisho iyo meelo ka mid ah Dunida oo ay ku nooshahay Soomaali badan ayaa looga diyaar garoobayaa marti gilinta Bandhigyo ay dhigayaan Faniin Caan, Bandhigyada qaar wax aa lagu galayaa lacag u dhaxeysa $ 5020.

Culumada diinta ayaa ka digayaa ka qayb galka, abaabulka iyo Marti gilinta Bandhig faneed yada, Idaacadda Kulmiye ayaa su’aal ku saabsan Bandhig faneedyada weydiisay Shiikh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed waxa uuna shiikha ku tilmaamay in ay tahay arin dhibaatadeeda wadata.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO SENATOR CABDI QAYBDIID OO KAWADA HADLAY WEERARKII DARAAD LAGU QAADAY GURIGIISA.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa habeen hore xafiiskiisa ku qaa bilay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ay daraad Gurigiisa ku weerarayn Ciidamo ka tir san Milatariga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Cabdi qaybdiid ka dhageestay sida uu u dhacay weerarka iyo dhibkii gaaray Qoyskiisa iyo Hantidii Guri u taalay, waxaana la sheegay in Senatorka uu soo bandhi gay dhibaatooyin hor dhac ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa Madaxweynaha u sheegay in sharci darro ay aheyd weerarkii lagu qaaday Gurigiisa, qal la giliyay caruurtiisa iyo jirdil uu sheegay in xaaskiisa ay ugeesteyn Ciidankii weerarka qaaday sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in Hanti badan la bur buriyay lana qaatay qaar kale.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Gu ddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Qaybdiid in uu ka xanyahay falkii dhacay, loona xilsaaray Guddi soo baara kiiskaasi, sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii falkaasi fuliyay iyo Ciddii soo amartay.

Saraakiil ku dhaw dhaw Xafiiska madaxweynaha iyo Guriga Senatorka ayaa Idaacadda Kul miye u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in lagu raad joogo shaqsiyaad la tuhmayo in ay wax ka abaabulayn weerarkaasi.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay isku afgartayn in jawiga siyaasadda la dejiyo lagana war sugo Guddi uu hogaaminayo Taliyaha Xoogga Soomaaliya oo arintaan ku jira, sidoo kale Labada dhinac ayaa isku afgartay in uusan qaadan waqti fog baaritaanka, cid kasta oo arintan ku lug yeel atana laga qaado talaabo adag sharci ah.

Weerarka lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qaybdiid iyo kii ka horeeyay ee lagu qaaday Gur iga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dalka giliyay Jahwareer siyaasadeed, waxaana Dowladda lagu dhaliilayaa in ay geysanayso Caburin siyaasadeed iyo ku xadgudub dhinaca Dast uurka ah.

Qubarada dhinaca amniga ayaa ka digaya in arintaan iyo Guud ahaan Khilaafka u dhaxeeya Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda ay ka faa’ideystaan shaqsiyaad dano gaar ah leh, suurta galna ay noqon karto in ay dhacaan weeraro kale oo intaan ka weyn, taasina ay hor muud u noqon karaan weerarada hada socda ee lagu eedeynayo hay’adaha amniga.

NOSOJ OO SI KULUL UGA HADASHAY XARIGA WARIYE CABDISHAKUUR SHAASHAA

Maxamed Ibraahim "Macallimu” Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ M ayaa si kulul uga hadlay Xariga Wariye Cabdishakuur Shaashaa oo lagu xiray Magaalada Jowhar ee xarunta G/ Shabeelaha Dhexe.

Macallimu ayaa marka hore Cambaareeyay falka lagu xiray Wariyahaasi oo maalintii 4aad u xiran Maamulka Hirshabelle.

Waxaana uu sheegay in haatan Ururku uu wado dadaalo lagu sii deynayo Wariye Cabdishakuur Sha ashaa.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MARKII UGU HORAYSAY KA HADASHAY KALA IIBSIGA XAYAWAANKA DIINDIINKA

Waxaa maalmahaan dambe Magaalada Muqdisho ku soo badatay hadal haynta ah in Diinka ama Diidiinka uu noqday Qaali, iyadoo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si wayn u hadal hayaan sheekada ku saabsan kala iibsiga Diinka.

Maxamed Cumar oo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Warbaahi nta u sheegay inay tahay Sharci daro kala iibsiga Xayawaanka Diidiinka, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono cidii lagu arko.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Ammaanka ay il gooni ah ku eegaan Kontooradda laga soo geliyo Diindiinka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ajaanib ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qorshaha uu qaaliga u noqday Diinka, waxayna dantooda tahay inay qalaan, kadibna ay ka soo dhex saaraan Jawharad ay ku iibsanayaan qarash badan.

DOWLADDA UGANDA OO CIIDAMO KALA BAXDAY SOOMAALIYA

cimao ka mid ah kenya oo dalka ka baxayDowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya kala baxday qeyb ka mid ah Ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Uganda waxa ay sheegytay in uu si rasmi ah u bilowday Qorshaha ay ciidamada ugala baxeyso Gudaha Soomaaliya , taasoo qeyb ka ah yareynta Ciidanka ka jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso lix kun.

281 askari oo kamid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa daraad ka baxay Muqdisho.

Korneyl Richard Karemire Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa u sheegay Xinhua in bixita anka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo 1000kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku egyahay 31 bishaan Dec.

"Waxaan horeyba u fulinay shuruudaheena sida Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, wax aan horeyba u dhignay ciidankeena [281] si waafaqsan Dastuurka 31ka December,” ayuu yiri Karemire.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ku dhawaad 1000 Askari ay ka bixin doonaan Soomaaliya, islamarkaana 5000 ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

ALSHABAAB:"WAXAAN DILNAY 5 KA TIRSAN CIIDAMADA AMISOM OO GALBINEYSAY SARAAKIIL AJAANIB AH”,

Warar lagu baahiyay Warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay qarax shalayy ka dhacay ma gaalada muqdisho in lagu dilay ciidamo katirsanaa midowga afrika ee Amisom kuwooda ka howlgala Magaaladda Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegtay in qaraxii shalayy ka dhacay magaaladda muqdisho ay ku dileen ilaa 6 askari oo katirsanaa ciidamada AMISOM, shabaab ayaana intaa ku daray in ciidamada ay muq disho shalayy qaraxa kula eegteen ay galbinayen saraakiil Cadaan ah oo katirsan howlgalka ka dhan ka Xarakada Alshabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Sido kale Warka kasoo baxay Xarakadda ALshabaab ayaa waxey ku sheegeen in qaraxii shalay muqdisho ka dhacay iney ku gubeen gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamo katirsan Ami som oo galbinayay saraakiil cadaan ah, halkaana ay ku geeriyoodeen dhamaan askartii gaariga la socotay, sida ay ku baahiyeen warbaahinta Afkooda ku hadasha.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Howlgalka midowga Afrika AMISOM oo loogu hadlaayo qaraxaan.

isbuuc ka hor ayaa sidaan oo kale qarax nuucaan oo kale ah lagula eegtay Ciidamada Amis om Waddada Jeneraal Daa’uud ee Muqdisho.

DOWLADAHA MAREYKANKA IYO IIRAAN HADALO KULUL HAWADA ISKU MARIYAY

Maal mihii ugu danbeeyay ayaa waxaa sii kordhayay banaan baxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya dalka iiraan,kuwaasi oo salka ku haya mid loooga soo horjeedo cadaadis la sheegay in sha cabku ay kala kulmayaan dowladda shiicada ee dalkaasi ka arimhisa.

Inta la ogyahay Ilaa 2 qof ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalo lagu magacaabo Dor ud oo ku taala Galbeedka Dalkaasi Iiraan,sida ay muujinayaan Muqaalo lagu baahiyay baraha ay isugu imaato.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaa la daasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.

Dhanka kale Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in hadalka Tru mp uu u muuqdo in uu yahay fursad ka faa’idaysi iyo khiyaamo lala doonayo dowlada shiicada ee iir aan.

Madaxwaynaha mareykanka ayaa horey u dhaliilay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la gal een wadamada quwadaha waawayn.

Magaalooyiinka qaar waxaa isku dhacay dibad baxayayaasah iyo booliiska,iyadoo sidoo kale daraad caasimada Tehran uu dhacay dibadbax lagu taageerayay xukuumada Iiraan.

XIBSIGA WADAJIR OO MAXKAMADDA CIIDANKA QALABKA SIDA GAL DACWADEED UGA FURAY CIIDAMADII WEERARTAY XARUNTOODA

Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir ayaa shalay maxkamadda ciidanka qalabka sida galdacwade ed uga furay ciidankii iyo saraakiishii ka dambeysay weerarka u geystay xarunta urura ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta ciidanka qalabka sida ayaa qabatay dacwada ay gudbiyeen xisbiga Wadajir, wax aana galdacwadeedka ku xusnaa magacyada dadkii ku lugta lahaa weerarka, waxaa kale oo la diiw aangeliyay sida weerarka u dhacay, dadkii halkaasi lagu dilay iyo khasaarihii maaliyeed ee ka dha shay.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Dahir Xasan Guutaale oo shir jaraa’id ku qabtay xarun ta maxkamadda ayaa sheegay in xeer ilaalinta ciidanka qalabka sida ay qabatay dacwo ay u gudbiy een xusbiga, dacwadaasi oo ka dhan ah ciidanka iyo saraakiisha weerarka geystay, isaga oo intaasi raaciyay in maxkamadda ay hordhigeen khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee goobta ka dhashay.

"Waxaan halkan u nimid shalay in aan furno dacwadii ka dhanka aheyd Xadgudub lagu sam eeyay xarunta xisbiga Wadajir iyo dadkii ku waxyeeloobey 5tii qof ee ku geeriyootay

meesha oo gacan ka xaqdaran ay meesha ku dishay in aan la tiigsanno sharciga” ” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale.

Mudane Guutaale oo sii hadlayey waxaa uu sheegay in dacwada la qabtay ay ku jiraan kiis la ga gudbiyay askartii goobta weeraray iyo kuwii amray intaba, taas oo xeer ilaalinta aqbashay, galka dacwadana ay furtay, isaga oo intaasi ku daray in tani ay bilow tahay oo mas’uuliyiinta sarsare loo gu dbi doono.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga Cali Maxamed Timajilic oo goobta ka hadl ey waxaa uu isna ku dheeraaday sida ay u fiican tahay in sharciga lagu kala baxo, isaga oo maxkam adda ka rajeeyay in dadkaasi si cadaalad loo horkeeno.

"Annagu waxaa nahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, oo sharciga mar kasta in ay u hiiliyaan la rabo, waxaa xisbiga Wadajir uga mahadcelineynaa haddii shalay sharciga wax ku doona yaan, waxaan leenahay sharciga ayaa cid walbo ka sareeya, sharciga ayaan ku kala baxeynaa, waa laga soo gudbay qofkii wax geysta takanadiisa loo geli jiray geedaha hoostooda, shalay waxaan ku faraxsanahay in sharcigii iyo qaanuunkii dalka u yaallay ha lagu kala baxo aan leenahay oo wax lagu doonayo, waxaan asxaabteenna ku tartarsiineynay in sharciga maraan, shalay waxaa aan taagga nay waa maxkamaddii ciidamada qalabka sida oo galka aan ka soo furney, waxaan rajeynayaa in guusha ay timaado, waxaan rajeynayaa in maxkamadda si cadaalad ah ay dadkaasi sharciga u soo hortaagto, waxaan rajeyneynaa si waafaqsan shareecada Islaamka arrintaas loo galo oo la isku fiirsanin qaladaadka iyo dambiyada dhacaya”ayuu yiri Timajilic.

Ugu dambeyntii, waxaa meesha ka hadlay Guddoomiye Suleymaan oo ah madaxa Xisbiga Horumarinta isaga oo soo jeediyay in sharciga lagu dhaqmo.

"Warka waa sida odoyaashu yiraahdeen, muhiimmada waxaa anagu siineynaa way dham maatay xilligii khilaafka sulux wax lagu xallinjiray, in sharciga wax lagu dhabaqo ayaan culeyska saar eynaa, waxaan ka codsaneynaa hey’adaha sharciga gacanta ku haya in ay arrimahan oo kale dedeji yaan, oo aaney jiitamin arrinkani”ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha Xisbiga Horumarinta

WASIIRADDA AMNIGA IYO GAASHAANDHIGGA SOOMAALIYA OO LOOGU YEERAY GOLAHA AQALKA

Xildhibaanadda Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa shalay kul an waxa ay ku yeesheen xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Kulanka shalay ayaa waxaa loogu hadlay weerarkii daraad Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ay ku qaadeen hoyga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Golahaasi.

Golaha ayaa sheegay in aan lagu qanci Karin 40 askari oo weerarkaasi loo xiray,islamarkaana ay u baahan yihiin cadeymo rasmi ah.

Ugu dambeyntii Aqalka sare ayaa u yeeray inay Golahaasi hortagaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Waxaa kaloo Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Sooamaliya u yeeray taliyaha ciidamada xoo gga dalka Soomaliyeed Jeneraal C/wali jaamac Gorod si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay Guriga Cabdi Qeybdiid.

HAWEENEY MUSLIMAD AH OO SHEEGTAY IN AY TAHAY MUSHARAX MADAXWEYNAHA DALKA RUUSHKA

Aina Gazatova oo ah haweeney Muslim ah ayaa ku dhowaaqday inay kula tartamayso xilka madaxtinimada dalka Ruushka Vladamir Putin doorashada March 2018.

Boqolaal taageerayaasheeda ah ayaa ku soo ururay magaalada Makhachkala caasimada Dagestan labo maalmood kadib markii ay ku daabacday bogga ay ku leedahay facebooga, inay tahay musharax madaxtinimada dalka Ruushka.

Gamzatova ayaa madax ka ah warbaahinta ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta wadanka Ruushka waxayna maamushaa Islam.ru oo ka kooban taleefishin,Idaacad iyo wargeysyo.

Aina oo ah 46 sano jir u dhaxda Akhmad Abdulaev oo ah muftiga Dagestan ayaa noqonaysa haweeneydi ugu horeysay ee Muslim ah oo u tartanta mid kamid ah wadamada ugu waaweyn caal amka.

Hase yeeshee halka ay ka soo jeeda ee ah Dagestan ayaa ah meel ay rabshado badan ka dhacaan iyadoo iskahorimaadyo u dhexeeya dagaalyahano, qabaa’ilo iyo ciidamada dowlada Ru ushka lagu diley kumanaan ruux.

Haweeneydan haatan shaacisay inay tahay musharax Madaxweyne ayaa waxa y ka tirsan tah ay dariiqada Suufiyada oo kumanaan ruux ay xubno ka yihiin hogaamiyihii dariiqada Suufiyada dalka Ruushka Said Afandi Chirkavi ayaa waxaa uu ku dhintey kadib markii haweeney waxyaalaha qarxa isku soo xirtey ku weerartay Caucasus sanadkii 2012.

Wadanka Ruushka oo dadka ku nool ay tiradoodu gaarayso 140 malyan ayaa 20 malyan oo ka mid ah waxa ay yihiin dadkaas Muslimiin.

MADAXWEYNAHA NAIGERIA OO DAD DHINTAY U MAGACAABAY XILAL MUHIIM AH

Dad badan oo reer Naigeria ah ayaa ku tilmaamay khalad weyn oo nacasnimo ah kaddib mar kii madaxweyne Muhammadu Buhari uu xilal muhiim ah u magacaabay dad waa hore dhintay.

Madaxweynaha ayaa magacyada shaqsiyaadkan ku soo daray liiska dad xilal muhiim ah loo magacaabay taasoo ka yaabisan in badan oo ka mid ah dadka reer Naigeria.

Francis Okpozo oo hore Senetor u ahaa, dhintayna Disembar 2016, ayuu magaciisa ka soo muuqday liiska in ka badan 1,400 oo qof oo xukuumaddu xilal u magacwday.

Xilka loo magacaabay ayaa ah in uu hogaamiyo golaha saxaafadda Nayjeeriya.

Ku xigeenkii hore ee taliyaha booliska iyo baadari, kuwaasoo labadaba dhintay horraantii san nadkan, ayaa iyagana xilal loo magacaabay.

Dad badan oo reer Nayjeeriya ah ayaa aad ula yaabay in magacyada dad dhintay lagu arko liiska dadka ay xukuumaddu xilalka u magacawday.

Bale dhinaca kale mar la eego afhayeen u hadlay madaxweyne Buhari ayaa sheegay in Liiska uu ahaa mid la diyaariyay Labo sano ka hor, hasse ahaatee la shaaciyay iyadoo aan wax dib u eegis ah lagu sameyn.

GUDDIGA JOOGTADA OO KU GACAN SEYRAY SOO JEEDINTII XEER ILAALIYAHA EE XASAANAD KA QAADIDA XILDHIBAANADA

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay aa kulan uu shalay ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Kulakan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa laga soo saaray qaraar dhowr qodob ka kooban.

Guddiga Joogtada ayaa waxaa isku raacay in la joojiyo soo jeedinta ku saabsan xasaanad ka qaadida Xildhibaanada oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka, kaasoo dhowaan soo eedeeyay Xil dhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure.

Sidoo kale Guddiga Joogatada ayaa sheegay in maadaama aanu jirin sharci gaar ah oo tilma amaya nidaamka ilaalinta xasaanada, habraaca loo marayo xasaanad ka qaadida Xildhibaanada iyo habraaca loogu gudbin lahaa kulanka guud ee Golaha shacabka.

Qaraarka ka soo baxay Guddiga Joogtada ayaa si cad ah uga horimaanaya eedihii uu Xeer Ila aliyaha Qaranka ku soo oogay labada Xildhibaan oo ahaa Qaran dumis iyo khiyaano qaran iyo baar itaanka Xafiiska Xeer Ilaalinta waday, oo qaarkood ay sheegtay inay caddeymo u heyso.

AKHRISO; BAYAAN AY HAY’ADA CULUMADA SOOMAALIYEED KA SOO SAAREEN XAALADA SIYAASADEED EE DALKA

Hay’ada Culumada Soomaaliyeed ayaa soo saartay bayaan ay ugu magac dartay Bayaanka Culumada Soomaaliyeed ee ku aadan khilaafka dalka,iyadoo ka digtey isticmaalka awooda aan shar ciga ahayn.

Bayaankan oo ka kooban lix qodob ayaa Hay’ada Culumada Soomaaliyeed waxa ay ugu ba aqday shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan diintooda,dowladnimadooda iyo walaaltinimad ooda.

HALKAN HOOSE KA AQRISO BAYAANKA AY SOO SAAREEN HAY’ADA CULUMADA SOOMAALIYEED.

Ujeeddo :Bayaanka culumada soomaaliyeed ee ku aadan khilaaf siyaasadeed

Hay’adda culumada soomaaliyeed iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta diinta islaamka iyo danaha umada soomaaliya kana duulaysa axkaamtaiyo ujeedooyinka shareecada islaamka ,ka na wel welsan xaaladda siyaasadeed ee dalka marayo iyo isku dhaca siyaasadeed ee mar walba soo noq noqonayo waxay soo saarreysaa bayaankaan:

1. culumada soomaaliyeed waxey soo jeedinayaan in mucaaradnimadu ay noqoto mid wax dhiseysa ee aanay noqon mid wax duminaysawaxayna ku talinayaan in la wada tashado leysuna nasteexeeyo .

2. culumada waxay ka digeysaa falalka iyo erayada xanafta leh ee keeni kara in uu dalka dib ugu noqdo wixii dumiyay oo ah qabyaalad ,dulmi iyo daneysiga gaarka ah.

3. culumada waxay soo jeedinayaan in dowladu ay dhowrto muwaadinka soomaaliyeed xurmadiisa iyo xuquuqdiisa si ay cadaaladu u hirgashokasoonida dadkuna u soo laabato.

4. culumada waxay ku talinayaan in laga fogaado isticmaalka adeegsiga awoodda aan sharciga ahayn taasoo ay ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fidno aaan la xakamayn karin .

5. culumada soomaaliyeed waxey soo jeedinayaan dhammaan siyaasiyeenta in ay dalka ka ilaaliyaan faragelin shesheeye dhawraan a madaxbanaanidiisa.

6. culumada waxay u dardarmayaan dhammaan shacabka soomaaliyeed in ay ilaashadaan diinta ooda,dowladnimadooda iyo walaaltimadooda kana digtoonaadaan wax kasta oo dhaawici kara wada jir kooda keenina kara tafaraaruq iyo qilaaf .

WABILAAHI TOWFIIQ

GUDDIGA JOOGTADA OO KU GACAN SEYRAY SOO JEEDINTII XEER ILAALIYAHA EE XASAANAD KA QAADIDA XILDHIBAANADA

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaali ya ayaa kulan uu shalay ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xas aanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Kulakan oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa laga soo saaray qar aar dhowr qodob ka kooban.

Guddiga Joogtada ayaa waxaa isku raacay in la joojiyo soo jeedinta ku saabsan xasaanad ka qaadida Xildhibaanada oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Qaranka, kaasoo dhowaan soo eedeeyay Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure.

Sidoo kale Guddiga Joogatada ayaa sheegay in maadaama aanu jirin sharci gaar ah oo til maamaya nidaamka ilaalinta xasaanada, habraaca loo marayo xasaanad ka qaadida Xildhibaa nada iyo habraaca loogu gudbin lahaa kulanka guud ee Golaha shacabka.

Qaraarka ka soo baxay Guddiga Joogtada ayaa si cad ah uga horimaanaya eedihii uu Xe erIlaaliyaha Qaranka ku soo oogay labada Xildhibaan oo ahaa Qaran dumis iyo khiyaano qaran iyo baaritaanka Xafiiska Xeer Ilaalinta waday, oo qaarkood ay sheegtay inay caddeymo u heyso.

AKHRISO QARAARKA KA SOO BAXAY GUDDIGA JOOGTADA:

Markuu arkay : Warqada xeer –ilaaliyaha dowlada l.r xxlg/ag 3/9/2017 ee 17.12.2017 kuna saabsanayd codsiga xasanaad ka qaadista xil. Xasan Macalin iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuure.

Markii : Warbixiinta koobaneyd ee xeer –ilaaliyaha dowlada ka hor jeediyay kulanka Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya la qabtay 21 –ka disembar 2017 ,kulankaas oo xafiiiska xeer –ilaaliyaha dowlada laga filayey in uu ka jawaab celiyo codsigii Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee ahaa in uu xeer –ilaaliyahu guddiga horkeento ama la wadaagto caddaymaha uu arrinkan ka hayo si uu guddigu ugu qanco sida ku qeexneyd qoraalkii ku taariikheysnaa 19kii diseembar 2017 ee summadiisu aheyd 402/20/B10/17.

Markuu arkay : IN xeer –ilaaliyaha dowlada ka gaabsaday in uu Guddiyada Joogtada la wada ago caddeymaha uu hayo xafidaada galdacwadeedka awgeed;

Markuu arkay :in taniyo inta la ogyahay oo ay soomaaliya baarlamaano soo yeelatay aanay jirin wax xeer ah la dejiyay oo qeexaya habraaca loo marayo xasaanad ka qaadista xildhibaanada ,oo ay tahay arrin ugub ah;

Markuu arkay :inaan weli la dejin sharci gaar ah ee xeeriya nidaamka ilaalinta xasaanadda iyo habraaca xasanaad ka qaadista ee uu na farayo qodobka 70ka (4)ee dastuurka federaalka;

GENERAL DHUUMAAL ”DHAMMAAN CIIDAMADU WAA INAY HOOS YIMAADAAN TALIYAHA XOOGGA DALKA,”

Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa ugu baa qay dowlada federalka Soomaaliya inay la wareegto dhammaan maamulida ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gen. Dhuumaal ayaa sheegay in Muqdisho ay joogaan ciidamo badan oo aan dowladdu maa mulin balse ay maamulaan dowlado kale oo ciidamadaas tababaray.

"Muqdisho waxaa joogo ciidamo ay maamulaan dowlado shisheeye oo ay ka mid yihiin Imaara dka,Turkiga,Maraykanka mana aha taas mid anfacaysa dowlada.”ayuu yiri General Dhuumaal.

Generalka ayaa ka digey in ciidamada dalalka shisheeye ay maamulaan isla markaana siiy aan mushaarka iyo saadka inay noqon karaan kuwo calooshood u shaqeystayaal ah oo dhibaateeya dowlada.

"Ciidamada xoogga dalka waa inay noqdaan ciidamada xoogga dalka,kana amar qaata taliy aha ciidamada ee ma aha in dowladaha soo tababaray kuwo ay rahan u haystaan.”ayuu yiri General Dhuumaal.

Warka ka soo baxay taliyihii hore ee xoogga dalka ayaa imanaya maalin kadib markii ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho ay weerareen hoyga mid kamid ah Senatorada Aqalka Sare Cabdi Xasan Cawaale.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta dowlada Federalka Eng Yariisow ayaa beeniyay inay jira an ciidamo aan ka amar qaadan dowlada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho.

SENATOR XUSEEN: WAXAAN KA DIGEYNAA DALKA IN FOODO LA GALIYO

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ooka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in weera rkii lagu qaaday hoyga C/qaybdiis uu aad u niyadjabinaayo isla markaana ka dhigan yahay in duul aan lagu soo qaaday dastuurkii KMG ah ee dalka u degsanaa.

Senator Xuseen ayaa intaasi raaciyay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid markii gurig iisa la weerarayay ay ku wada jireen shir arrimaha dastuurka looga hadlaayay, dhacdadaasna ay tahay mid ay aad uga argagaxeen.

Senator Xuseen ayaa sheegay in haddii madaxda qaranku ay ogaayeen ay la macno tahay musiibo qaran haddii aysan ka war heyninna ay lamid tahay dayacaad qaran.

Wuxuu kaloo sheegay in weerarkii guriga mudane Cabdi Xasan Cawaale lagu qaaday iyo kii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna maalmo ka hor dhacay ay yihiin weerarro siyaasadeed ayna uga digayaan in dalka ay fowdo ka abuuraan

"Weerarkaasi waxaa uu ka dhigan yahay weerar lagu soo qaaday dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee Soomaliyada hadda dimuqaraadiyadda rabta ku dhaqmeysay, waa weerar lagu soo qaad ay sarreynta sharciga, waa weerar lagu soo qaaday xildhibaannada baarlamaanka Fedaraalka wee rar dowladnimada halis ku ah ayuu u muuqdaa”

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii ka hadlay ogaanshiyo la’aanta mad axda ee weerarka.

"Waxaan isleeyahay madaxda qaranka waxaan u xilsaaranay inay maamulaan hay’adaha fuli nta oo iyaga Koontaroolaan inay wax ka ogaayeen ayaan rajeyneynaa haddii aysan ogeyn waa aay ka sii daran tahay waxayna noqoneysaa waddankii oo aan lagaraneynin cidda maamuleysa labada jeerba haday ogaayeen madaxda qaranka waa xadgudub dastuur haddii aysan ogeyna waa halis inteeda la eg oo wadanka cid maamuleysa iyo cid gacanta ku heysa labadaba mid halis galineyso waaye.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip