"Falkaasi Dowladda Soomaaliya aad bay uga xuntahay,sida aad la socotaan taliyaha Xoogga Dalka ayaa guriga Senator Cabdi qeybdiid tagay si xaqiiqda uu uu ogaado,Shacabka Soomaaaliyeed waxaan u sheegaynaa in aan laga daba haridoonin dadkii falkaasi ka dambeeyey,waxaa baaritaan ku socda oo xiran tiro isugu jirta saraakiil iyo ciidamo ila 41 qof ah,waa arrin ugub ah oo qal qal keeni karta, Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga dhamaan madaxdu aragti midaysan ayay ka qabaan falkaasi dhacay”, Ayuu yiri Eng Yariisow.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay shacabku la wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaankaasi lagu hayo askarta iyo saraakiisha falkaasi u xir xiran.