30 qof oo ku dhimatay Shil gaari

0
Sunday December 31, 2017 - 12:04:14 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 qof oo ku dhimatay Shil gaari

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay ugu yaraan 30 qof in ay ku dhinteen shil labo baabuur oo bas iyo loori ah oo si xun isugu dhacay. Shilka labadan gawaari ayaa ka dhacay arroornimadii hore ee Axadii saakay waddo weyn oo ku taalla galbeedka Kenya oo isk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay ugu yaraan 30 qof in ay ku dhinteen shil labo baabuur oo bas iyo loori ah oo si xun isugu dhacay. Shilka labadan gawaari ayaa ka dhacay arroornimadii hore ee Axadii saakay waddo weyn oo ku taalla galbeedka Kenya oo isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Nakuru. Sideed iyo toban qof oo ku dhaawacmay shilkaan ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga ee kenya.

Waddooyinka kenya ayaa inta badan khatartu ay ku badan tahay xiliyadaan oo kale oo ah dhammaadka sanadka, maadaama inta badan dadku ay u safraan gobolada dalka taasi oo keenta in darawalada gawaarida ay si xowli ah u kaxeeyaan gawaarida sida la sheego.

Shil noocaan oo kale ah ayaa ka dhacay goob u jirto saddex kilo mitir halka shilkaan uu saakay ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen 20 qof horaantii Deseember.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip