"Ciidamada xoogga dalka waa inay noqdaan ciidamada xoogga dalka,kana amar qaata taliyaha ciidamada ee ma aha in dowladaha soo tababaray kuwo ay rahan u haystaan.”ayuu yiri General Dhuumaal.

Warka ka soo baxay taliyihii hore ee xoogga dalka ayaa imanaya maalin kadib markii ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho ay weerareen hoyga mid kamid ah Senatorada Aqalka Sare Cabdi Xasan Cawaale.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta dowlada Federalka Eng Yariisow ayaa beeniyay inay jiraan ciidamo aan ka amar qaadan dowlada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho.