Feysal: "Diyaaradii Muqdisho ka amar qaadata ee hawadeena soo marta waan soo rideynaa.."

0
Saturday December 30, 2017 - 20:04:05 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Feysal: "Diyaaradii Muqdisho ka amar qaadata ee hawadeena soo marta waan soo rideynaa.."

    Guddooomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay inay soo ridayaan diyaaradii amarka Somaliland diida ee hawadooda marta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddooomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay inay soo ridayaan diyaaradii amarka Somaliland diida ee hawadooda marta.

Isagoo maanta ka hadlayey munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayuu sheegay inay sharci darro tahay in dowlada Soomaaliya ay sheegato maamulka hawada Somaliland, taasina aan la aqbali karin.

"Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa, haddii ay xamar ka amar qaadato” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dadkii ka qeyb qaatay doorashadiisii.

Wuxuu sheegay in Farmaajo la mid yahay Siyaad Barre oo ku jeestay kuwii ugu dhowaa ee kacaanka la dhaliyey. "Farmaajo emotional ayaa lagu doortay. Sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu ku bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuuna sii raaciyey.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku caan baxay hadallo aan loo meel dayin oo intooda badan aan miisaan lahayn, isagoo si toos ah u weerarra madaxda dowladda Soomaaliya iyo beelo gaara.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip