Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamo si gaar ah ay u tababartay dowlada Imaaraadka Carabta waxayna ciidamadan weeraray guriga Cabdiqeybdiid ay ahaayeen kuwo wajiga soo duubtay watayna afar baabuurta tiknikada ah.