Halkan ka Akhriso War Murtiyeedka kasoo baxay Shirka Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta Soomaaliya

26-29 Diseembar 2017

Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka aheeDowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017 waxaana ka soo qaybgalay:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland:

Guddoomiyaha Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaPuntland Mudane Axmed Cali Xaashi

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aadGolaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaPuntlandMudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise

Golaha Wakiilada Dowlad-GoboleedkaJubaland:

Guddoomiyeku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf

Golaha Wakiilada Dowlad-GoboleedkaGalmudug:

Guddoomiyaha Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaGalmudugMudaneCali Gacal Casyre

Guddoomiyeku –Xigeenka 2aad ee Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaGalmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin

Golaha Wakiilada Dowlad-GoboleedkaKoonfur Galbeed:

Guddoomiyaha Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaKoonfur GalbeedMudaneCabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye

Guddoomiyeku-Xigeenka 1aad ee Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaKoonfur GalbeedMudaneMaxamed Nuur Maxamed Macalin

Guddoomiyeku –Xigeenka 2aad ee Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaKoonfur GalbeedMudaneAweys Xuseen Macalin

Golaha Wakiilada Dowlad– GoboleedkaHirshabeele:

Guddoomiyaha Golaha WakiiladaDowlad – GoboleedkaHirshabeeleMudaneSheikh Cusman Bare Maxamed

Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleyntahay’adahaxeer-dejinta(Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyahaGolayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta eeDowlad – GoboleedkaKoonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumahahay’adahaDowlad – GoboleedkaKoonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalayDowlad – Goboleedkaiyo shacabka Koonfur-Galbeed.

Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walbaleeyahay iyada oo la isla gartayin si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelleiyo Galmudug.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta.

Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka.

Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha,aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayoroon yahay.

Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta(Video Conferencing Technology)si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto.

Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankanlagu sooJeediyeyinay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsigakalmadda ‘XEER-DEJINTA’.

Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018.