Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu dawladda iyo xarumaha waxbarashada ku boorriyey in AfSoomaaliga si dhab ah looga dhigo afka rasmiga ah ee dalka, afka waxbarashada iyo maamulka xafiisyada, Waxaana uu ku boorriyey in la daryeelo lagana faai’deysto abwaannada iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta iyo in la soo nooleeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada oo si dhakhsa ah loo dayac-tiro.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Daah-furka Madasha AGA ee Horumrinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa ayaa sheegay inuu ka wel-welsan yahay xaaladda uu xilligaan ku sugan yahay afka Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga hor tago afdilayaasha weerarka ku haya afka Soomaaliga, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Akadeemiyada AGA oo had iyo goor u taagan kor u qaadida afka Soomaaliga.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo isna munaasbadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo furitaanka Madasha AGA, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay go’an tahay sidii ay Akadeemiyada AGA ugala shaqeyn laheyd illaalinta afka Soomaaliga, isagoo ugu yeeray Shacbiga Soomaaliyeed in muwaadin walba uu xil gaar ah iska saaro sidii uu ugu faro adeygi lahaa afkiisa hooyo.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka madashaasi qaabilsan horumarinta afka Soomaaliga, waxaana ay ku cel-celiyeen inay si dhaw ula shaqeyn doonaan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah masuuliyiinta Akadeemiyada AGA iyo Wakiilka Akadeemiyadaasi ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo u badnaa Iftiiminta hawlaha ay qaban doonto Madasha AGA, Iyagoo soo jediyay in mudnaanta koowaad la siiyo illaalinta afka hooyo.

Xafladaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa intii ay socotay waxaa lagu daawaday Filim kooban oo ka hadlayay tariiqda, aas-aaska iyo waxqabadka Akadeemiyada AGA, Madasha AGA ee maanta laga daah furey Muqdisho ayaa noqonaysa madal Bille ah, waxaana si joogtaysan ugu kulmi doonaan bahda Akadeemiyaha, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud ahaanba inta ku hawlan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta. Waxaa si gaar ah uga faa`iidaysan doona dadka ay ugu horeeyan da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka.

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun cilmiyeed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, laguna aasaasay Jabuuti 2013, waana madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana lagaga hadlo, xarunteeduna waa Muqdisho, waxaana si madax bannaan u maamulo gole ka kooban aqoonyahanno u kala dhashay dalalka AGA ku midaysan oo lagu soo xulay ku xeel-dheeridooda Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa.

Himilada Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaligu waa Af-Soomaaliga oo halista ka badbaada, adeegsigiisa la saxo lana xoojiyo, lagana dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida iyo idil ahaanba ummadaha Geeska Afrika.

Daahfurka Madasha AGA
1of 5