Kooxo burcad ah oo Muqdisho ku soo batay

0
Saturday December 30, 2017 - 19:20:48 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo burcad ah oo Muqdisho ku soo batay

    Magaalada Muqdisho, waxaa xilliyada habeenkii ah dhac ka gaysta kooxo burcad ah oo bartilmaameedsada dadka haysta taleefonada casriga ah ee Smart Phone.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho, waxaa xilliyada habeenkii ah dhac ka gaysta kooxo burcad ah oo bartilmaameedsada dadka haysta taleefonada casriga ah ee Smart Phone.

Burcadan oo wata Mootooyinka Bajaajta, ayaa maqribkii wixii ka dambeeyo waxa ay galaan xaafadaha Degmooyin qaar ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigley iyo Hawlwadaag.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin kooxahan dhaca u gaysanaya dadka shacabka ah ee guryaha hortooda habeenkii ku caweeya.

Qof ka mid ah dadka dhaca loo gaystay ayaa Risaala u sheegay Burcadda inay wataan qoriga Ak47, iyo bistoolado dadkana ay ku baartaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay qofkaan in laga qaatay taleefoonkiisa gacanta isaga ooh or fadhiya gurigiisa oo ku yaallo xaafada Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, kadib markii Mooto Bajaaj agta laga soo dhigtay.

Masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaaray cabashada la xiriirta burcadaan dhaca gaysata.

xigasho radiorisaal.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip