Cabdi Qeybdiid ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in isagoo xasaanad leh la baaro gurigiisa waxana uu booqday guriga ay galeen ciidamo ka tirsan dowlada Federalka.

Cabdiqeybdiid oo ka hadlay gelitaanka gurigiisa ayaa yiri:"Gudihii ay galeen waardiyaashii ayay xirxireen albaabadii ayay jajabiyeen wixii alaab ee guriga dhex yiil waa baareen taleefanadana waa ka qaateen xaaskeyga iyo carruurteyda.”ayuu yiri Cabdiqeybdiid.

Imaanshaha gurigayga waa sharci darro, waxana uu isweydiiyay in ciidamo aan kuwo dowlada ahayn inay ka howlgalaan dalka.

Senator Cabdiqeybdiid waxa uu sheegay in dowlada federalka uu weydiistay in la horkeeno sharciga raggii weeraray gurigiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii galay guriga Cabdi Qeybdiid ay ka qaadeen labo qori iyagoo ku dhuftay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay wateen mid ka mid ah ilaalada Cabdi Qeybdiid.

Dowlada Federalka ayaa laga wardhorayaa in ay ka hadsaho dhacdadaan maanta ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho.


DAAWO VIDIO CABDI QEYBDIID OO KA HADLAY DHACDADII GURIGIISA LAGU WEERARAY