UNESCO oo sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay Israa'iil oo ay uga baxeyso

0
Saturday December 30, 2017 - 18:45:32 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNESCO oo sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay Israa'iil oo ay uga baxeyso

    Haya'adda u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNISCO ayaa sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay Israa'iil Axadii, kaasi oo Israa'iil ay ku go'aansatay inay marto waddadii Mareykanka oo ay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haya'adda u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNISCO ayaa sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay Israa'iil Axadii, kaasi oo Israa'iil ay ku go'aansatay inay marto waddadii Mareykanka oo ay isaga baxdo xubinnimada hay'adda.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka xumaaday qaraaro taxane ah oo hay’adda UNISCO ay mid ka mid ah ugu sheegtay Israa’iil inay Qudus tahay magaalo la heysto oo ay xoog ku heysato.

Israa’iil ayaa leh sagaal xaruma dhaqameed oo qadiimi ah oo ku jira liiska hay’adda UNISCO ee waxyaabaha qadiimiga ee caalamka, waxaana ka mid ah xarunta King Herod oo horey loogu yaqiinay Masada kuna taala xadka Israa’iil iyo Urdun Dead Sea.Madaxa hay’adda UNISCO Audrey Azoulay, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka Israa’iil ay ug baxday xubinimada hay’adda.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa horey u sheegay in ay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israa’iil.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaaraankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip