Shir Ka Dhan ah Dowladda Soomaliya oo Ka Socda Isu tagga Imaaraadka Carabta

0
Saturday December 30, 2017 - 10:27:24 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Ka Dhan ah Dowladda Soomaliya oo Ka Socda Isu tagga Imaaraadka Carabta

    Magaaladda Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta waxaa ku shirsan qaar kamid ah mucaaradka Dowladda Somaliya, Xildhibaano iyo Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shir ka dhan ah dowladda Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaaladda Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta waxaa ku shirsan qaar kamid ah mucaaradka Dowladda Somaliya, Xildhibaano iyo Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shir ka dhan ah dowladda Soomaliya.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh aadan, Siyaasiyiin, iyo tiro Xildhibaano ah oo ku dhow labaatameeyo.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan Madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada iyo Xildhibaano, waxaana shirar kale oo daba socda midka Imaaraadka Carabta ay Xildhibaano ku leeyihiin magaalada Nairobi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa shirkaan diiradda lagu saari doonaa dacwado lagu soo oogay Xildhibaano dhowr ah oo ay ku eedeysay Dowladda Qaran dumis iyo inay u adeegayaan dowlado shisheeye, iyo xarigii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxaa sii xoogeystay mudooyinkii dambe shirarka ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliya ee ka dhacaya gudaha dalka iyo dibadiisa,iyadoo dowladda imaaraadka Carabta ay maalgalinayso qaar kamid ah mucaaradka dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip