Labada sarkaal oo asalkoodu ahaa Kenyan kana tirsan ururka Al-Shabaab ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Axmed Faarax iyo Cabdulahi Waliid, waxayna dowlada Kenya sheegtay in lagu daweynayo saldhig uu Al-Shabab ku leeyahay gudaha dalka Soomaaliya.

Dhalinyaro badan oo Kenyan ah ayaa ku biirtey ururka Al-Shabaab oo ah urur la dagaalama dowlada Soomaaliya isla markaana ka fuliya weeraro gudaha wadanka Kenya.

Dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeynta ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyadoo duqeymihii ugu dambeeyay lala bartilmaameedsaday dagaalyahano aan xilal sarsare ka hayn ururka Al-Shabaab.