Mar kasta oo NABAD yar la dareemo, yaa na rux ruxa oo degenaanta & Nabadda noo diida? NASASHADA JIMCAHA.Q-76aad.

0
Friday December 29, 2017 - 20:42:16 in Wararka by
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mar kasta oo NABAD yar la dareemo, yaa na rux ruxa oo degenaanta & Nabadda noo diida? NASASHADA JIMCAHA.Q-76aad.

    1-Cabdi Diritoor oo ah Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa BUS soo raacay,waxaa soo dhinac fadhiisaty Tacbaaye oo ah Oday Beeraley ah oo wata juuni Afka ka xiran oo yaala lugahiisa hoostooda. Odaygu,toban daqiiqo markuu joogaba waxa uu kor u soo qaada Juun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Cabdi Diritoor oo ah Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa BUS soo raacay,waxaa soo dhinac fadhiisaty Tacbaaye oo ah Oday Beeraley ah oo wata juuni Afka ka xiran oo yaala lugahiisa hoostooda. Odaygu,toban daqiiqo markuu joogaba waxa uu kor u soo qaada Juuniga,waana rux ruxaa, kadibna halkiisii ayuu dhigaa.
Aqoon yahankii ayaa weydiiyay: Jawaankaan afka ka xiran maxaa kugu jira? Odaygii ayaa ku yiri: Dooliyaal (Jiirar) ayaa iigu jira,waxaana u wadaa oo iga iibsanayo Xarun cilmi baaris oo lagu ogaddo dabeecda Dooliga. Aqoon yahankii ayaa weydiiyay mar kale: Maxaad u rux ruxee? Odaygii ayaa yiri: waxaan u diidayaa xasilooni iyo degenan si ay cabsi ugu jiraan oo aynan u nasan haddii kale waxa ay ku fekerayaan in ay juuniga duleeliyaan oo ay ka baxsadaan.(fiiri Sawirka 1aad).somaliya Qatar laba aflaa ayeey ku dhax jirtaa.

Waxaan soo xasuustay,sheeko tiiraanya leh oo ka dhacday dalka Shiinaha oo saaxiibkey iiga sheekeeyay. (Fiiri Sawirka 2-aad). Anigu ma fahmin, ileyn Afka Shinaha ma aqaane.JAWAABTA ADIGAAN KUU DHAAFAY .

( Somaaliyeey……Juunigan Afka ka xiran yaa nagu riday?. Mar kasta oo NABAD yar la dareemo, yaa na rux ruxa oo degenaanta & Nabadda noo diida?. Sheybaarka naloo iib geynayo intuu ku yaal?. iyadana sidoo kale ma fahmin, MAR KALE JAWAABTU WAA XAGAAGA ).

2-Nin ayaa markuu Salaadda tukado ku duceeysan jiray,Ilaahow Xaas labaad ii sahal.maalintii dambe isaga oo tukaday oo markaa uun gacmahiisa kor u taagay,ayuu arkay xaaskiisii oo dhinac taagan waana isku naxyay. Markaa ayuu yiri: Allahayoow, Ducadu sidii aan isku ogeeyn lee hanoo ahaato.

(Mas’uul Soomaali ah ayaa isaga oo Itobiya inkaarayo,ayuu dhinaciisa ka arkay, Gen.Gabre oo dhinac taagan, Af Amxaari ayuu ku dhameystiray…in habaarkii uu sii waday iyo inuu duco u bedelay ma fahmin illeyn anigu Af Amxaariga ma aqaane . muxuu ku dhameeystiray?…ADLEE WAAYE JAWAABTU).

3-Nin ayaa gabar uu aad u jeclaa ku yiri: Babe,waxaan leyahay saaxiib wanaagsan oo nafta ii huraya laguna magacaabo Faarax Business. Annigu sida saaxiibkey Faarax oo kale Guri qurxan, Gaari qurxan iyo Lacag badan malihi. Laakin adiga ayaan aad kuu jecelahay,nafteeyda waan kuu hurayaa,wax kasta oo aan awoodana dartaa waan u sameeynlahaa.

Gabadhii ayaa ooyin la dhacday oo indhaheeda ilmo dabooshay. Willkii jeclaa ayaa ku yiri: Macaanto, maxaad la ooynee?. Waxa ay ku tiri: Saaxiibkaa Faarax maxaad ii bari weyday.

Qofkuba riya kale ayey gashay,asagaa moowjad cidlaa la heysta(fiiri Sawirka 3aad).

( Wasiir Somali ah ayaa la kulmay wasiir Kenyaati ah kuna yiri: waxaan nahay Laba dal oo deris ah,walaalo ah,dadkeenuna waa idin jecel yihiin, waxaa dalkeena ka jira colaado iyo abaaro,dadkii ka soo qaxayna adinkaa soo dhaweeyay. Laakin Baddeena khayraad ayaa ka buuxa).

Kenyaatigii waa ooyay!.muxuu u ooyay?. MAAY EN BOORAY?. JAWAABTA ADLEE LAKOO FADEE? . ANI MU GORADOOW).

4- Qooys Shinees ah Mr.Yen & Mrs.Chu, ayaa degay Magaalada Cali Sabiix ee Dalka Jabuuti xilli ay aad u kululeed, haweeneeydii Chu ayaa taraaraxday,kadibna waxa ay dhashay wiil aad u madoow aadna u xanaaq badan.

Mr.Yen ayaa ku yiri: waa maxaay cunugan Madow? Waxay ku tiri: waxaa u sabab ah,magaalada oo aad u kulul, iyo korantada oo badanaa maqan, Maalin & Habeen kuleeyl joogta ah Maaha,Miihi, Neeha, Aniga kuleeyl adiga Kuleeyl Maaha,miihi, qolkeenuna aad ayuu u kulul yahay, Qabiilka Halkaan degena waxaa la yiraa Ciise Madoobe, cunugaana uurka ayuu ku soo dhax gubtay, Soow saa Maaha, Neehaa, Huunu Yen. Ar Naagaa!!!!. xattaa shiinees madoow aaa!!!!. ( Fiiri Sawirka 4aad).

( Chu: Mogadishu na gee Diidiin aan ka ganacsanee, Beryahan isagaa suuq leh.Yen: maya , maya, ilma qolof leh hanagu dhalin Xamar).Fiiri sawirka 5& 6aad.

5-Wiil yar ayaa Aabaihii weeydiiyay, Aabe Mucaarad & Muxaafad maxaa laga wadaa? Aabihii ayaa yiri: waa kuwa dowladda diidan iyo kuwa taageersan. Wiilkii ayaa yiri: Laakin Aabe ,Haddii dowlada lafteedu ay mucaarad noqoto sidee la yeela? Haddii kuwii ka horeeyay ay mucaaraddo, mucaaradkiina ay mucaarado,iyaduna is mucaarado. Kulli soow ma wada ahan Mucaarad?.

Aabihii ayaa ku yiri: waxaan Xasuustay, yaraanteenii ayaan wiil u bixinay Nur orgay mucaarad ,wax kasta wuu mucaaradi jiray, maalin ayaa ciyaalka xaafaddu isaga iyo Ri tartansiiyeen, Ceesaantii ayaa ka guuleeysatay oo ciyaalka xaafaddu ay hortiisa Ridii shahaada sharaf ku siiyeen.( Fiiri Sawirka 7aad) Isaga oo yar ayuu Qurbaha aaday, Hadda ayuu soo noqday isaga oo wata shahaada sharaf mucaarad,ahna masuul sare.

Wiilkii ayaa yiri: Aabe Dowlad aan leheeyn 2 geesood oo ay cadawga gudaha & kan dibada isaga hertisu, seey wax u wade? Ma Mucaadadkeeda ha iskala qashimeeysataa? Aabihii ayaa yiri: soow Aamina qarabjoog ma dhihin( dooraduba waa xaas weyn oo nin qabo,naasana aan laheeyn), Dowladuna hadeeyna Geesa leheeyn, waana iska qashimeeysataa,ee Amaan hala siiyo "qaraabkeena qaraab Dooro ayeey ku soo duceeysteen”.dowlad kala maan ah Radio kulmiye weeydii?.Waana markii ugu horeeysay ee. SOO JAWAAB HEE.

6-Datooreesa Caasha Diyaasboro oo yurub ku soo baraty Cilmiga Falsafadda ayaa Xamar timid, Aabaheed ayaa ku daray wadaad masjidka kitaaba ka aqriya, muddo kadib wiilkoodii oo 5 saano jir ah ayaa Aabihii weeydiyay.Aabe, Dadku xageey ka soo farcanmeen, Qabiilkuna xaguu ka yimid? Aabihii ayaa ku yiri: Nabiyu Laahi Aadam CS iyo Hooyo Xaawo ayaa ubad dhalay,kuwii ayaa waa weeynaaday oo ubad badani ka sii farcanmay, kadibna ummaddo iyo Qabiilo ayeey noqdeen.

Wiilkii yaraa ayaa Hooyadii weeydiiyay isla su’aashii, waxa ay ku tiri: Falsafada iyo Caalamka houumaray waxa ay qabaan in dadku Daanyeer ka yimid, mudda dheerna uu isa soo bedelay ilaa uu noqday dadka iyo Qabiilada Hadda jira.

Wiilki, Aabihii ayuu u tagay kuna yiri: Aabe been ayaad ii sheegaty! Hooyana sidaa ayeey igu tiri. Aabihii ayaa ku yiri: Malaha kuwa ay kuu sheegatay oo daanyeerada ka soo farcanmay waa hooya qabiilkeeda.

(Mutacalimiinta Diaspora qaarkood ,”Qaarkood”, waxaan ka baqayaa inteey ilbaxnimo raadinayaan in ay ilmaha naga fasahaadiyaan annagana Daanyeera naga dhigaan).

FG: Magacyada aan qaatay waa mala awaal, qoraalkan shaqsi gaar ah ulama jeedo, waa xaalada guud iyo nidaanka maamul,bulsho, arragtida guud qof gaar ah ha u macneeyn. Waa aragti wadaag, Aragtidaada xor ayaad u tahay, wixii ka qaldan ka sax.

Sug Sug: Fadlan,Su’aalihii hore maka Jawaabtay?.



Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip