DHAGEYSO: Xaaf oo ku baaqay in la soo celiyo Somali Airline

0
Friday December 29, 2017 - 18:47:52 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Xaaf oo ku baaqay in la soo celiyo Somali Airline

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay Dowladda Federaalka in looga baahan yahay ka shaqeynta sidii dib loogu soo celin lahaa Diyaaradii uu dalka lahaan jiray ee lagu magacaabo Somali Airline.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay Dowladda Federaalka in looga baahan yahay ka shaqeynta sidii dib loogu soo celin lahaa Diyaaradii uu dalka lahaan jiray ee lagu magacaabo Somali Airline.

Wuxuu sheegay in aysan dhib aheyn in dib loo soo celiyo Diyaaradda Somali Airline, hadii gacmaha la isqabsado oo la qabto shaqo wadajir ah oo loo wada dhan yahay, muhiimna ay tahay in arrintaasi laga wada shaqeeyo.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada lacagta heysata ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa Diyaaradda Somali Airline, si horey loogu sii socdo.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Galmudug wuxuu ka sheegay xilli shalay uu ka qeyb galay Munaasabad Madaxweynaha Soomaaliya uu xariga kaga jarayaydaah furka xarunta qalabka Hawada Soomaaliya.

Nidaamka Hawada dalka lagu soo wareejiyay ayaa soo bilawday sanadkii 2014-kii, tan iyo Xiligaasi waxaa socday kulamo ay yeelanayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madaxda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip