Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku diley dableygii weerarkan ka dambeeyay,wararka qaar ayaa sheegaya in dadka weerarka geystey ay ahaayeen labo ruux.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan,balse ururka IS ayaa hore weeraro ugu qaaday goobaha ay ku cibaadeystaan Masiixiyiinta Coptic Orthodox.

Bishii May ayaa koox hubeysan waxa ay ku dileen bartamaha dalka Masar illaa 29 ruux oo ah Copts,bishii April isla sanadkan waxaa lagu diley 44 ruux oo masiixiyiin ah kaniisad kadib markii lagu weeraray bam.