Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay degaanka Galaawar

0
Friday December 29, 2017 - 18:42:37 in Wararka by
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay degaanka Galaawar

    Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ayaa howlgallo qorsheysan xalay ka fuliyay degaanka Gaalawar oo qiyaastii u jirta degmada Afgooye illaa 5-KM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ayaa howlgallo qorsheysan xalay ka fuliyay degaanka Gaalawar oo qiyaastii u jirta degmada Afgooye illaa 5-KM.

"Ciidamada oo aan weligeen hore u arag tiradooda ayaa dhalinyaradii ku bilaabay in ay qab qabtaan mid ka mid ah duqeyda tuulada oo ahaa mu’adinka tuulada wayna dileen kadib markii uu diiday in laga wado wiilkiisa.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool tuuladaas.

Sidoo kale intii holwgalkan uu socday ayaa waxaa lagu soo qab qabtay lix ka mid ahdhalinyarada ku nool tuulada Gaalawar.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa caddaan ah oo la rumeysan yahay inay yihiin Maraykan ayaa howlgalo ka bilaabay degaano ka tirsan Shabelaha Hoose.

Habeen ka hor Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen degmada Wanlaweyn waxa ay ku dileen hal ruux oo ay dowladdu ku tilmaantay inuu ka mid ahaa ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip