Labada amiir ayaa laga sii daayay hotelka Ritz-Carlton oo hadda noqday xabsi lagu xiro dadka loo haysto musuqmaasuqa kadib markii ay oggolaadeen in xal laga gaaro dhaqaalaha lagu tuhunsan yahay inay musuqmaasuqeen.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in aan weli laga gaarin xal amiir saddexaad oo la walaal ah amiirada la sii daayay Turki bin Cabdullah kaasoo weli ku xiran hotelka Ritz-Carlton.

Sida laga soo xigtey wargeyska Okaz cadadkiisii soo baxay December 26 ugu yaraan labaatan kale oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ayaa toddobaadkii la soo dhaafay la sii daayay.

Eedeysanayaasha aan heshiis la gaarin dowlada ayaa la sheegay in la soo taagi doono maxkamad sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow boqortooyada Sacudi Carabiya.