DHAGEYSO: Wasiir Xoosh "Shaqo yari ayaa jirta"

0
Friday December 29, 2017 - 18:19:59 in Wararka by
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Wasiir Xoosh "Shaqo yari ayaa jirta"

    Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dhalinta Soomaaliyeed ay badankood heysato shaqo la'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil ayaa sheegay in dhalinta Soomaaliyeed ay badankood heysato shaqo la'aan.

Waxa uu sheegay in dalka %70 uu yahay dhalinyaro, loona baahan yahay in loo sameeyo shaqo abuur.

Xoosh ayaa tilmaamay in haddii aysan helin dhalinyaradan shaqo ay keyneyso inay dalka isaga Tahriibaan oo ay maciin bidaan dalal kale iyo inay noqdaan kuwa ka shaqeeya falal ammaanka lidiga ku ah sida uu sheegay.

Wasiir Xoosh ayaa dhanka kale sheegay in Dowladda Soomaaliya hadda aysan deyn soo qaadan Karin sababo uu ku sheegay in horay loogu lahaa deymo fara badan.

Waxa uuna u xusay in ay dadaal badan iyo imtixaano ay u galeen sidii deymaha badan looga cafin lahaa soomaaliya, isagoona tibaaxay in sagaal bilood kadib ay rajeynayaan inay lacago badan kasoo amaahdaan Bankiga aduunka si dhalinyarada loogu abuuro shaqo.

Hadalka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil ayaa ku soo aadayaa xilli dhalinyaro badan oo dhameysatay jaamacdo ay yihiin kuwa aan wali shaqo helin oo darbiyada iska fadhiya halka kuwa kalana ay Tahriibeen.

Audio Player
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip