Daawo:-Qaabka Loo Gubay Tuulada Gumburka

0
Friday December 29, 2017 - 18:16:36 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Qaabka Loo Gubay Tuulada Gumburka

    Tuulada Gumburka oo ah goobtii ay isku fara saareen maleeshiyaad ka kala soo jeeda beelo walaala ah oo halkaa wada daga ayaa lagu soo waramayaa in la gubay guryihii ku yiilay tuulada Gumburka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuulada Gumburka oo ah goobtii ay isku fara saareen maleeshiyaad ka kala soo jeeda beelo walaala ah oo halkaa wada daga ayaa lagu soo waramayaa in la gubay guryihii ku yiilay tuulada Gumburka.

Warbaahinada Puntland ayaa baahiyay sawiro muujinaya bur bur xoogan oo ka dhashay dabka la qabad siiyay tuulada Gumburka oo aheyd halkii dirirtu ay ku dhax martay maleshiyaad halka kaso wada jeeda.

Dadkii degaanka ku ahaa halkaas ayaa isaga cararay markii mid kamid ah labada maleyshiyo uu gubay tuuladaas, waxaana halkaas booqday guddiga nabaddaynta labada dhinac.

Dadkii daganaa Tuulada Gumburka ee Gobalka Sool ayaa ka barakacay dagaalo u dheexeyey Maleeshiyaad gacan saar leh Maamulada Soomaaliland iyo Puntland oo maalmo badan ku dagaalamay tuuladaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah tagaya degaanadii dirirtu ka dhacday, isagoo iskudayaya inuu colaada joojiyo, wada hadalna lagu dhameeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip