Wasiir Oomaar "Waxaan qorsheynaynaa dib u soo celinta adeegyadii Somali Airline"

0
Friday December 29, 2017 - 17:32:54 in Wararka by
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Oomaar "Waxaan qorsheynaynaa dib u soo celinta adeegyadii Somali Airline"

    Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Oomaar oo marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Wuxuu xusay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo, isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay Calamada Dowladaha, dhawaana ay si rasmi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

"Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah, hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti, Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo, wuuna socda qorshahaasi”. Ayuu yiri Wasiir oomaar.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garooMada Diyaaradaha ee ku yaala dhamaan Dalka, isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Ugu dambeyntii Wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka, si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip