Axmed Saciid oo ah muuwaadin Soomaaliyed, kana mid ahaa dadka la wareystay ayaa AP u sheegay in markii la soo qabtay la galiyay Xabsi cariiri ah, islamarkaana uu isticmaalayay Biyo wasaqeysan intii uu ku jiray xabsiga, taas oo keentay in uu ku xanunsado halkaasi.

Bishii March ee Sanadkan ayey ahayd markii diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn dhanka cirka ah ku dileen in ka badan 30 Qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ku sugnaa Dalka Yemen.