U jeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Munaasabad lagu daah furayo garoon si Casri ah looga dhisay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la leh Madaxda Puntland oo uu kala hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee Dalka.

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Farmaajo tagayo Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay Sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya.