Kenya oo laga mamnuucay Shiishada

0
Thursday December 28, 2017 - 23:01:52 in Wararka by
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo laga mamnuucay Shiishada

    Dowladda Kenya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mamnuucday gudaha wadanka Kenya in la soo geliyo lagana isticmaalo shiishada. Cleopa Maily oo ah Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya ayaa sheegay in laga mamnuucay dalka Kenya in la soo geliyo, l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mamnuucday gudaha wadanka Kenya in la soo geliyo lagana isticmaalo shiishada. Cleopa Maily oo ah Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya ayaa sheegay in laga mamnuucay dalka Kenya in la soo geliyo, lagu xayeysiiyo, islamarkaana lagu iibiyo shiishada.

Dr. Maily oo maanta soo saaray warqad qoraal ah ayaa waxa uu ugaga digey shacabka Kenya isagoo sheegay in qofkii lagu helo isticmaalka ama ka ganacsiga shiishada ay mudan karto ganaax dhan 50,000 Shillinka Kenya ah ama xabsi gaaraya Lix bilood.

Dalka Kenya ayaa noqonaya wadanka Saddexaad oo ku yaal Bariga Afrika ee laga mamnuuco isticmaalka Shiishda, waxaana hore uga mamnuucay wadamadooda dowladaha Tanzania iyo Rwanda.

Wadamada kale ee caalamka laga mamnuucay isticmaalka shiishada ayaa waxaa ka mid ah Pakistan, Jordan, Singapore iyo Saudi Arabia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip