Weerar Lagu Gubay Gaari Laguna Dilay Askar katirsan Kenya oo Ka Dhacay Jaziirada Lamu

0
Thursday December 28, 2017 - 21:25:09 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Gubay Gaari Laguna Dilay Askar katirsan Kenya oo Ka Dhacay Jaziirada Lamu

    Labo kamid ah askarta ciidamada Kenya, ayaa ku dhimatay halka sadex kalana ay ku dhaawacmeen Kadib markii mintidiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay saar-naayeen oo ka yimid deegaanka Lamu kuna sii jeeday magaalo xeebaydka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo kamid ah askarta ciidamada Kenya, ayaa ku dhimatay halka sadex kalana ay ku dhaawacmeen Kadib markii mintidiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay saar-naayeen oo ka yimid deegaanka Lamu kuna sii jeeday magaalo xeebaydka Mombosa.

Madaxa booliska Larry Kieng ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro weerarkaasi laguna gaarsiiyay ciidamada kenya balse uu beeninayo wararka la’isla dhax marayo baraha bulsharada kuwaas oo sheegayay in tirada ciidamada la dilay ee aad u fara badan tahay.

Warar ka soo baxaya booliskana waxa ay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamadooda ay qafaasheen Al-shabaab inta uu socday weerarka dhaba galka ah ee lagu qaaday Ciidamada kenyaanka.

Ciidamada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegayaa in ay wateen labiska ciidamada dalka Kenya, qaar ka tirsan rakaabka gaariga ayaa waxa ay Daily nation u sheegeen in markii ciidamada Al-shabaab ay gaariga u soo galeen ay u qeebiyeen waraaqo ay ku qoran yihiin manihin cadaw annagu hadafkeenu waa beegsiga madaxda iyo Ciidamada Dowlada kenya.

Warar lagu baahiyay warbaainta taageerta Al-shabaab ayaa lagu shegay weerarkaas in lagu gubay gadiid, laguna qafaashay laba katirsan masiixiyiinta kenyanka, waxeyna Al-shabaab intaasi ku dareen gaarigii iyo labadii qufood ee masiixiyiinta ahaa in mar danbe ay halkaasi ay ku dileen.

Maahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadaan gudaha dalka Kenya 30-kii bishii August ee isla sanadan Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen Gaari marayay galbeedka deegaanka Lamu waxa ay ku dileen rakaab saarnaa iyo darawalkii gaariga u ka xeenayay.

Sido kale horaantii 18’kii Augustana Afar ruux ayay madaxa ka jareen kuwaas oo ku sugnaa xaafada Maleli ee isla gudaha dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip