Madaxweyne Farmaajo "Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna."

0
Thursday December 28, 2017 - 20:49:59 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo "Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay maamulka iyo maareynta hawadeenna."

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta iyo qalabka hawada lagu maamulayo ayaa kormeeray shaqada ay hayaan khubarada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray maareynta duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri "Waxaa sharaf weyn noo ah in aan dib u hanannay maamulka iyo gacan ku heynta hawadeenna. Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada aan ugu jirno sidii aan dib ugu hanan laheyn dowladnimo dhammeystiran.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Dowladdu ay dardar gelinayso dadaallada Ilaalinta soohdimaha badda iyo xuduudaha barriga, taasina ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada dowladda iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddii koobneyd ee dowladda shaqeynaysay ay ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonida Beesha Caalamka ay ku qabaan Soomaaliya taas oo dhabbaha u xaareysa waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan horumar weyn ka sameynay dhanka maamulka maaliyadda dalka taas oo hay’adda lacagta Adduunka IMF ay qirtay in wadada saxda ah ay ku socoto siyaasadda dowladda ee dhanka maamulka maaliyadda.”

Dowladda Federaalka ah ayaa qorsheynaysa dhawaan in la furo dugsiga tababarka maamulka iyo maareynta hawada si loo diyaariyo aqoonyahanno iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay maamulka iyo maareynta hawada, kana hawlgala guud ahaan dalka.

Masuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duulimaadyada Caalamiga ah in ay dalka ka bilaabaan duulimaadyadooda tooska ah maadaama Soomaaliya ay buuxisay sharciyada duulimaadyada caalamiga ah.

-----DHAMMAAD----

 E2I3021
 E2I2533
 E2I2735
 E2I2589
 E2I2693
 E2I2473
 E2I2522
 E2I3092
 E2I3021
 E2I2437
 E2I2794
 E2I2825






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip