Kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ee ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyada werarka lagu qaaday.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afghanistan ayaa ku warantay in qaraxa uu ka dacay xarunta Dhaqanka ee Shiicada, ayna xigeen illaa labo qarax oo kale.

Arday badan ayaa ku sugnaa xarunta dhaqanka ee Shiicada, waxaa ay ka qeyb qaadanayaan dood looga hadlayay 38 sano guuradii ka soo wareegatay duulaankii Midowgii Soviet ku soo qaaday Afghanistan.

Kooxda ISIS ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday goobaha ay shiicada ku badan tahay ee dalka Afghanistan.